عن المِقدام بن معدي كرب رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِذَا أَحَبَّ الرَّجُلُ أَخَاهُ فَلْيُخْبِرْهُ أَنَّهُ يُحِبُّهُ».
Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay".
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka Muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii Qof jeclaado Walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaliska ah, ee aysan ku jirin maslaxad Aduun.
Waa Suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.
Muuminiinta dhexdooda ee lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa Walaalnimada iimaaniga ah waxayna Bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 444) (5124).
سنن الترمذي (4/ 199) (2392).
السنن الكبرى للنسائي (9/ 87) (9963).
مسند أحمد (28/ 408) (17171).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 450).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص258).
رياض الصالحين للنووي، (ص138) (383).
سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (1/ 777).
فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي (1/ 247).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 279).
عن جابر رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «رَحِمَ اللهُ رَجُلًا سَمْحًا إِذَا بَاعَ، وَإِذَا اشْتَرَى، وَإِذَا اقْتَضَى».
Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Allaha u naxariisto nin wanaag badan haduu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Raxmad ugu duceeyey Qof kastoo Sahlan oo Deeqsiya oo Sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka Qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha Badeecada. Waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo Faqiirka iyo kan Baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.
Faa’iidooyin
Ujeedooyinka Shareecada Islaamka waxaa ka mid ah: ilaalinta danaha wanaagsan iyo xiriirka u dhexeeya dadka.
waxaa la is jeclaysiinayaa in dadka lagula dhaqmo akhlaaqda sare marka wax la kala iibsanayo iyo marka wax la soo iibsanaayo iyo wixii la midaba.
Tixraac
صحيح البخاري (3/ 57) (2076).
نزهة المتقين (2/ 944).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (16/ 386).
منار القاري، لحمزة محمد قاسم (3/ 258).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 405).
عن شداد بن أوس رضي الله عنه قال: ثِنْتَانِ حَفِظْتُهُمَا عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْإِحْسَانَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ، فَإِذَا قَتَلْتُمْ فَأَحْسِنُوا الْقِتْلَةَ، وَإِذَا ذَبَحْتُمْ فَأَحْسِنُوا الذَّبْحَ، وَلْيُحِدَّ أَحَدُكُمْ شَفْرَتَهُ، فَلْيُرِحْ ذَبِيحَتَهُ».
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, Mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo,
Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca.
Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo.
ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.
Faa’iidooyin
Waa Ilaahay naxariistiisa Casa Wajala iyo u dhimrinta khalqiga.
Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in Xayawaanka loo naxariisto loona dhimriyo.
Waxaa la reebay in Sar-waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta Xayawaanku.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1548) (1955).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثا النووية (ص38).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص185).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص65).
فتح الباري، لابن حجر (9/ 644).
شرح النووي على مسلم (13/ 107).
عن أبي هريرة رضي الله عنه: أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَوْصِنِي، قَالَ: «لَا تَغْضَبْ» فَرَدَّدَ مِرَارًا قَالَ: «لَا تَغْضَبْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-: Nin ayaa ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: ii dardaaran, wuxuu ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuuna ku yiri: " ha caroon ".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu Naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida.
Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka ma siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon ".
Faa’iidooyin
Waa laga digay carada iyo sababteeda, waayo waa halka shartu ku kulanto, in carada laga xoroobana waa halka khayrku ku kulmo.
Ilaahay darti in loo caroodo sida carada marka lagu xud gudbo Ilaahay maxaarimtiisa waa caro wanaagsan.
Xadiiska waxaa ku sugan in hadalka lagu celceliyo markay baahi jirto ilaa uu fahmo kan dhagaysanayaa oo uu garto ahmiyadiisa.
Xadiiska waxaa ku cad inay Fadli leedahay in la waydiisto dardaaran Qofka caalimka ah.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 28) (6116).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص36).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص181).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص64).
المعجم الوسيط، (2/ 1038).
تاج العروس من جواهر القاموس، للزبيدي (3/ 485).
عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ الْمُقْسِطِينَ عِنْدَ اللهِ عَلَى مَنَابِرَ مِنْ نُورٍ، عَنْ يَمِينِ الرَّحْمَنِ عَزَّ وَجَلَّ، وَكِلْتَا يَدَيْهِ يَمِينٌ، الَّذِينَ يَعْدِلُونَ فِي حُكْمِهِمْ وَأَهْلِيهِمْ وَمَا وَلُوا».
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan Minbaro Nuur ah, kaasoo ah Midigta Ilaahay Casa Wajala, iyadoo labadiisa Gacmoodba ay Midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya Xugunkooda, Reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay kuwa dadka ay Maamulaan iyo Eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan Kuraas dhaa-dheer oo Nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo Maalinta Qiyaamaha. Minbaradaas waxay yaalaan Allaha Raxmaanka ah Midigtiisa, Isagoo labadiisa Gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay Midig yihiin.
عن أبي ذر رضي الله عنه قال: قال لي النبي صلى الله عليه وسلم: «لَا تَحْقِرَنَّ مِنَ الْمَعْرُوفِ شَيْئًا، وَلَوْ أَنْ تَلْقَى أَخَاكَ بِوَجْهٍ طَلْقٍ».
Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa igu yiri: " Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto Walaalkaa Waji furan."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in Qofka Muslinku ku dadaalo taas, waayo waxaa ku jira soo dhawayn Qofka Muslimka ah iyo in la farax geliyo.
Shareecadaani waa kaamil, wax walbana waa koobaysaa, waxaa ku jira wax kasta oo Muslimiinta wanaagooda iyo midnimadoodu ku jirto.
Waxaa la isku boorinayaa wanaaga falitaankiisa haba yaraadee.
Waxaa Suno ah in Muslimiinta la farax geliyo, waayo waxaa ku jira inay is jeclaadaan.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2026) (2626).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 119).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 341).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (1/ 572).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 20).
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَيْسَ الشَّدِيدُ بِالصُّرَعَةِ، إِنَّمَا الشَّدِيدُ الَّذِي يَمْلِكُ نَفْسَهُ عِنْدَ الْغَضَبِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in xooga dhabta ahi uusan ahayn kan jirka, ama qofka dadka xooga leh legda, , balse kan xooga badani waa midka Naftiisa ka adkaada ee qasba markuu aad u caroodo, waayo taasi waxay tusaysaa inuu awood u leeyahay inuu naftiisa hanan karo oo uu ka guulaysan karo shaydaanka.
Faa’iidooyin
Fadliga dulqaadka iyo Nafta oo la qabto marka la caroodo, wuxuuna ka mid yahay camalka Saalixa ah ee Diinta Islaamku ku .booriday.
Nafta oo lagu Jihaado marka la caroodo wuu ka daran yahay in cadow lagu Jihaado
Waa in laga fogaado carada, waayo dhib ayaa ugu jira Qofka iyo Bulshadaba.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 28) (6114).
صحيح مسلم (4/ 2014) (2609).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 198).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 394).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (538).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، للهلالي (1/ 698).
عن أبي مسعود الأنصاري رضي الله عنه قال: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: إِنِّي أُبْدِعَ بِي فَاحْمِلْنِي، فَقَالَ: «مَا عِنْدِي»، فَقَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنَا أَدُلُّهُ عَلَى مَنْ يَحْمِلُهُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ دَلَّ عَلَى خَيْرٍ فَلَهُ مِثْلُ أَجْرِ فَاعِلِهِ».
Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, anaa tusaaya Qof saara, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "Qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrkaa sameeyey ajarkiisa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya Qof fuuliya, markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay Qof u baahan.
Faa’iidooyin
Waxaa la isku boorinayaa in kheyrka la isu tilmaamo.
In la isku booriyo khayrka waa asbaabta keenaysa Bulshada Muslimka ahi inay is kaashato oo ay is caawiso.
Xadiiska waxaa ku sugan waasicnimada fadliga Ilaahay sareeye.
Xadiiskani waa qaacido guud oo ay soo galayso acmaasha khayrka ah oo dhan.
Qofku haduuna dabooli karin baahida kan baryaya, waa inuu u tilmaamaa Qof kale oo qayrki ah.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1506) (1893).
شرح النووي على مسلم (11/ 166).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 349).
فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 298).