U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto Walaalkaa Waji furan

عن أبي ذر رضي الله عنه قال: قال لي النبي صلى الله عليه وسلم: «لَا تَحْقِرَنَّ مِنَ الْمَعْرُوفِ شَيْئًا، وَلَوْ أَنْ تَلْقَى أَخَاكَ بِوَجْهٍ طَلْقٍ».
Abii Dar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa igu yiri: " Shay ka mida wanaag ha yarysan, haba ahaato inaad kula kulanto Walaalkaa Waji furan."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in wanaaga la suubiyo oo aan la yaraysan wanaaga haba yaraadee, waxaana ka mida waji fornaanta iyo dhoolo cadaynta marka la kulmo, waxaa haboon in Qofka Muslinku ku dadaalo taas, waayo waxaa ku jira soo dhawayn Qofka Muslimka ah iyo in la farax geliyo.

Faa’iidooyin
  1. Fadliga ku jira isjacaylka Muuminiinta, iyo isku dhoola cadaynta iyo Waji fornaanta markay kulmaan.
  2. Shareecadaani waa kaamil, wax walbana waa koobaysaa, waxaa ku jira wax kasta oo Muslimiinta wanaagooda iyo midnimadoodu ku jirto.
  3. Waxaa la isku boorinayaa wanaaga falitaankiisa haba yaraadee.
  4. Waxaa Suno ah in Muslimiinta la farax geliyo, waayo waxaa ku jira inay is jeclaadaan.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2026) (2626). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 119). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 341). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (1/ 572). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 20).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com