U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan Minbaro Nuur ah, kaasoo ah Midigta Ilaahay Casa Wajala, iyadoo labadiisa Gacmoodba ay Midig

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ الْمُقْسِطِينَ عِنْدَ اللهِ عَلَى مَنَابِرَ مِنْ نُورٍ، عَنْ يَمِينِ الرَّحْمَنِ عَزَّ وَجَلَّ، وَكِلْتَا يَدَيْهِ يَمِينٌ، الَّذِينَ يَعْدِلُونَ فِي حُكْمِهِمْ وَأَهْلِيهِمْ وَمَا وَلُوا».
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Dadka cadaalada ku dhaqma Ilaahay agtiisa ayey ku fadhiyaan Minbaro Nuur ah, kaasoo ah Midigta Ilaahay Casa Wajala, iyadoo labadiisa Gacmoodba ay Midig yihiin, dadkaasu waa kuwa cadaalada ku suubiya Xugunkooda, Reerkooda iyo cidii ay masuulka ka yihiinba.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay kuwa dadka ay Maamulaan iyo Eheladoodaba cadaalad iyo xaqa ku xukuma, waxay ku fariisanayaan Kuraas dhaa-dheer oo Nuur ka samaysan, oo iyaga lagu maamuusayo Maalinta Qiyaamaha. Minbaradaas waxay yaalaan Allaha Raxmaanka ah Midigtiisa, Isagoo labadiisa Gacmoodba-Isagaa nusqaan ka hufane- ay Midig yihiin.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ayey leedahay cadaalada iyo isku boorinteeda.
  2. Cadaaladu waa wax guud oo koobaysa dhamaan masuuliyada iyo dadka oo la kala xukumo iyo in cadaalad loo sameeyo Xaasaska Caruurta iyo qayrkoodba.
  3. Cadaynta maqaamka ay leeyihiin dadka Caadiliinta ah Maalinta Qiyaamaha.
  4. Maalinta Qiyaamaha dadka Ahlu iimaanka ah mansiladoodu waa kala tagsan tahay Qof walbana sida camalkiisu ahaa ayuu noqon.
  5. Qaabka wax jeclaysiintu wuxu ka mid yahay qaababka diinta dadka loogu yeero taasoo Qofka loo yeeraayo jeclaysiinaysa cibaadada.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1458) (1827). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 547). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص428). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (9/ 314). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 710). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 640).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com