U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

ha caroon

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَوْصِنِي، قَالَ: «لَا تَغْضَبْ» فَرَدَّدَ مِرَارًا قَالَ: «لَا تَغْضَبْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-: Nin ayaa ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: ii dardaaran, wuxuu ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuuna ku yiri: " ha caroon ".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu Naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida. Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka ma siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon ".

Faa’iidooyin
  1. Waa laga digay carada iyo sababteeda, waayo waa halka shartu ku kulanto, in carada laga xoroobana waa halka khayrku ku kulmo.
  2. Ilaahay darti in loo caroodo sida carada marka lagu xud gudbo Ilaahay maxaarimtiisa waa caro wanaagsan.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in hadalka lagu celceliyo markay baahi jirto ilaa uu fahmo kan dhagaysanayaa oo uu garto ahmiyadiisa.
  4. Xadiiska waxaa ku cad inay Fadli leedahay in la waydiisto dardaaran Qofka caalimka ah.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 28) (6116). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص36). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص181). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص64). المعجم الوسيط، (2/ 1038). تاج العروس من جواهر القاموس، للزبيدي (3/ 485).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com