Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca. Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo. ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.
- Waa Ilaahay naxariistiisa Casa Wajala iyo u dhimrinta khalqiga.
- Ixsaanka dilka iyo gawracu waa inuu ahaado siday shareecadu jidaysay.
- Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in Xayawaanka loo naxariisto loona dhimriyo.
- Waxaa la reebay in Sar-waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
- Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta Xayawaanku.
صحيح مسلم (3/ 1548) (1955). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثا النووية (ص38). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص185). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص65). فتح الباري، لابن حجر (9/ 644). شرح النووي على مسلم (13/ 107).