Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَيْسَ الشَّدِيدُ بِالصُّرَعَةِ، إِنَّمَا الشَّدِيدُ الَّذِي يَمْلِكُ نَفْسَهُ عِنْدَ الْغَضَبِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in xooga dhabta ahi uusan ahayn kan jirka, ama qofka dadka xooga leh legda, , balse kan xooga badani waa midka Naftiisa ka adkaada ee qasba markuu aad u caroodo, waayo taasi waxay tusaysaa inuu awood u leeyahay inuu naftiisa hanan karo oo uu ka guulaysan karo shaydaanka.
Faa’iidooyin
Fadliga dulqaadka iyo Nafta oo la qabto marka la caroodo, wuxuuna ka mid yahay camalka Saalixa ah ee Diinta Islaamku ku .booriday.
Nafta oo lagu Jihaado marka la caroodo wuu ka daran yahay in cadow lagu Jihaado
Waa in laga fogaado carada, waayo dhib ayaa ugu jira Qofka iyo Bulshadaba.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 28) (6114).
صحيح مسلم (4/ 2014) (2609).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 198).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 394).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (538).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، للهلالي (1/ 698).