Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya Qof fuuliya, markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay Qof u baahan.
- Waxaa la isku boorinayaa in kheyrka la isu tilmaamo.
- In la isku booriyo khayrka waa asbaabta keenaysa Bulshada Muslimka ahi inay is kaashato oo ay is caawiso.
- Xadiiska waxaa ku sugan waasicnimada fadliga Ilaahay sareeye.
- Xadiiskani waa qaacido guud oo ay soo galayso acmaasha khayrka ah oo dhan.
- Qofku haduuna dabooli karin baahida kan baryaya, waa inuu u tilmaamaa Qof kale oo qayrki ah.
صحيح مسلم (3/ 1506) (1893). شرح النووي على مسلم (11/ 166). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 349). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 298).