Sabīl › Xadiis › Xadiisyo la sharraxay › Akhlaaqda wanaagsan عَنْ أَبِي الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَا شَيْءٌ أَثْقَلُ فِي مِيزَانِ الْمُؤْمِنِ يَوْمَ القِيَامَةِ مِنْ خُلُقٍ حَسَنٍ، وَإِنَّ اللَّهَ لَيُبْغِضُ الفَاحِشَ البَذِيءَ».
Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri: "Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah.
Abuu daawuud iyo tirmidi ayaa wariyey Darajo Xadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Suubanuhu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in camalka ugu culus miisaanka mu'uminka maalinta qiyaamaha uu yahay akhlaaqda wanaagsan, waana waji furnaanta, dhibka oo dadka laga daayo iyo wax fiican oo la bixiyo. Illaahay wuu u caroodaa waxa xun ee gafka ah, hadal iyo ficilba, ee qofka xun kaga dhawaaqo carabkiisa.
Faa’iidooyin
Akhlaaq wanaagu fadli aad u wayn buu leeyahay, waayo wuxuu dhaxalsiiyaa qofka jacaylka Ilaahay, iyo jaceylka addoomadiisa, waana waxa ugu wayn ee miisaanka Aakhiro ugu culayska badan. Tixraac
سنن أبي داود (7/ 177) (4799).
سنن الترمذي (3/ 535) (2002).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، لعبد الله البسام (7/ 487).
منحة العلام شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 264).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 673).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص410).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 526).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Hore Qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrkaa sameeyey ajarkiisa Xiga Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso Akhlaaqda wanaagsan Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com