U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَكْمَلُ الْمُؤْمِنِينَ إِيمَانًا أَحْسَنُهُمْ خُلُقًا، وَخَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِنِسَائِهِمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo. Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa Dumarkooda u khayr roon, sida Gaaskiisa, gabdhihiisa, Walaalihiis iyo Dumarka Qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waa fadliga akhlaaqda wanaagsan iyo inay ka mid tahay iimaanka.
  2. Camalku iimaan kuu ka mid yahay, iimaankuna wuu kordhaa wuuna yaraada.
  3. Islaamku wuu maamuusay Dumarka wuxuuna ku booriyey in loo ixsaan falo.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 70) (4682). سنن الترمذي (2/ 454) (1162). مسند أحمد ط الرسالة (12/ 364) (7402). سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (1/ 573). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 362). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 130). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 234).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com