U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Jileecu shayga uu galo wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa

عن عائشة رضي الله عنها زوج النبي صلى الله عليه وسلم عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِنَّ الرِّفْقَ لَا يَكُونُ فِي شَيْءٍ إِلَّا زَانَهُ، وَلَا يُنْزَعُ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا شَانَهُ».
Waxaa laga wariyey Caa'isha oo ahayd xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Jileecu shayga uu galo wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in jileeca iyo dabacsanaata xaga hadalka iyo ficilkuba ay u siyaadiso qurux arimaha, kamaal, iyo wanaag waxayna u dhawdahay in Qofka sidaa suubiya uu dantiisa gaaro. Dabacsaan la`aantu arimaha way ceebaysaa oo xumaysaa waxayna u diidaa Qofka sameeya inuusan dantiisa gaarin ama uu ku gaaro dhib.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku boorinayaa ku dhaqanka akhlaaqda dabacsan.
  2. Dabacsaantu Qofka way qurxisaa, waxayna sabab u tahay khayr kasta oo arimaha Diinta ama aduunyada ah.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2004) (2594). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 683). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص414).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com

Jileecu shayga uu galo wuu wanaajiyaa, shaygii laga siibana wuu xumaadaa · Xadiisyo la sharraxay · Sabīl