U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan

عن عائشة رضي الله عنها قالت: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إنَّ المُؤْمِنَ ليُدرِكُ بِحُسْنِ خُلُقِهِ دَرَجَةَ الصَّائِمِ القَائِمِ».
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qofka Muuminku wuxuu ku gaaraa akhlaaq wanaagiisa darajada qofka Sooman ee Salaad u taagan".
Waxaa Wariyay Abuu Daa'uud iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah, marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in akhlaaq wanaagu ay Qofka gaarsiiso darajada Qofka si joogto ah Maalintii u Sooma Habeenkiina Salaad u taagan, akhlaaq wanaaga waxaa lagu soo ururiyey: Gacan furnaanta, hadal wanaaga, waji furnaanta, joojinta dhibka iyo dadka oo uu u dulqaato.

Faa’iidooyin
  1. Diinta Islaamku si wayn ayey u ilaalisay in la carbiyo akhlaaqda iyo kaamil nimadeeda.
  2. Fadliga akhlaaq wanaaga Adoonku wuxuu ku gaaraa daraja Qofka Sooman ee aan afurayn iyo kan Salaad u taagan ee aan daalayn.
  3. Soonka Maalinta iyo Salaatul-laylku waa labo camal oo waawayn naftana ku adag, darajadooduna gaarayso mida uu helo Qofka akhlaaqda wanaagsan, waayo wuxuu ku dadaalay in naftiisu dhaqan wanaagsan yeelato.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 176) (4798). مسند أحمد (40/ 414) (24355). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 675). تطرز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص411). مشكاة المصابيح، لمحمد العمري (3/ 1409).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com