waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican
عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: لَمْ يَكُنِ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَاحِشًا وَلَا مُتَفَحِّشًا، وَكَانَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ خِيَارِكُمْ أَحْسَنَكُمْ أَخْلَاقًا».
Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Kama mid ahayn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.
Faa’iidooyin
Muuminka waxaa ku haboon inuu ka fogaado fuxshiga, hadlka xun iyo ficilka xun.
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa kaamil nimadeeda kama soo bixi jirin camal saalixa iyo ereyo fiican maahee.
Akhlaaq wanaagu waa goob banaan oo lagu tartamo, qofka u dheereeya wuxuu ka mid noqonayaa muuminiinta ikhyaartooda ee iimaankoodu kaamilka yahay .
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 189) (3559).
صحيح مسلم (4/ 1810) (2321).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 672).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص410).