U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina

عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «يَسِّرُوا وَلَا تُعَسِّرُوا، وَبَشِّرُوا وَلَا تُنَفِّرُوا».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Wax fududeeya oo ha adkaynina, oo bishaareeya oo dadka ha cayrinina".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in loo fududeeyo oo loo sahlo dadka oo aan lagu adkayn dhamaan arimaha Diinta iyo tan Aduunba, taasoo ah xuduuda Ilaahay baneeyey ee Shareecadiisu ogoshahay. Wuxuu ku dhiiri galinayaa dadku inay khayrka iyo wanaaga isugu bishaareeyaan oo aanay dadka ka eryin khayrka.

Faa’iidooyin
  1. Qofka Muuminka ah waxaa waajib ku ah inuu dadka Ilaahay jeclaysiiyo, khayrkana jeclaysiiyo.
  2. Daaciga dadka Ilaahay ugu yeeraya waxaa ku haboon inuu qaab xikmadaysan ugu yeero dadka markuu Diinta Islaamka ugu yeerayo.
  3. Bishaaraynta waxaa ka dhasha farxad, ogolaasho iyo in lagu kalsoonaado Daaciga, markuu dadka wax u sheegayo.
  4. Adkayntuna waxay keentaa kala yaac iyo kala jeensi iyo in laga shakiyo hadalka Daaciga.
  5. Naxariista balaran ee Ilaahay siiyey Adoomadiisa waxaa ka mida inuu uga raali noqday Diin fiican iyo shareeco fudud.
  6. Fudaydinta la is faray waa mida Shareecada Islaamku la timid.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 25) (69). صحيح مسلم (3/ 1358) (1732). شرح صحيح البخاري، لابن بطال (1/ 153). إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري، لأبو العباس القسطلاني (1/ 169). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 687).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com