Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in kuwa u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanku u naxariisto, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, Dad, Xayawaan, Shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga Samada.
- Diinta Islaamku waa Diin naxariis, waana Diin dhamaanteed ku taagan daacada Ilaahay iyo wanaajinta kuwuu Ilaahay abuuray.
- Ilaahay isagaa weyne wuxuu ku tilmaaman yahay mid naxariis badan, waana Allaha naxariista guud iyo midda gaarka ahba naxariista, Adoomadiisana naxariista gaarsiiya.
- Abaal marintu waa kolba siduu yahay camalka la qabto-wanaag iyo xumaanba, kuwa naxariista badan Allaha Raxmaanka ah baa u naxariista.
سنن أبي داود (7/ 297) (4941). سنن الترمذي (3/ 483) (1924). مسند أحمد ط الرسالة (11/ 33) (6494). تحفة الأحوذي بشرح جامع الترمذي، لمحمد المباركفورى (6/ 43). سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (2/ 594). معارج القبول بشرح سلم الوصول إلى علم الأصول، حافظ الحكمي (1/ 156).