U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «يَنْزِلُ رَبُّنَا تَبَارَكَ وَتَعَالَى كُلَّ لَيْلَةٍ إِلَى السَّمَاءِ الدُّنْيَا حِينَ يَبْقَى ثُلُثُ اللَّيْلِ الْآخِرُ، يَقُولُ: «مَنْ يَدْعُونِي فَأَسْتَجِيبَ لَهُ؟ مَنْ يَسْأَلُنِي فَأُعْطِيَهُ؟ مَنْ يَسْتَغْفِرُنِي فَأَغْفِرَ لَهُ؟».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: "yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka seddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa Adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa Adoomadiisa Mu'uminiinta ah.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay Habeenka suluska dambe, iyo in la tukado Salaad, oo la ducaysto iyo in danbi dhaaf la waydiisto waqtigaas.
  2. Waxaa la gudboon Qofku markuu xadiiskan maqlo inuu ahaado mid aad ugu dadaala ka faa'iidaysiga saacadaha ducada la aqbalo.
Tixraac

صحيح البخاري صحيح البخاري (2/ 53) (1145). صحيح مسلم (1/ 521) (758). الإفصاح عن معاني الصحاح، ليحيى بن هبيرة (6/ 195).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com