U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka

11 xadiis

Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال: قال رَسُولُ الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ يَغَارُ، وَإِنَّ الْمُؤْمِنَ يَغَارُ، وَغَيْرَةُ اللهِ أَنْ يَأْتِيَ الْمُؤْمِنُ مَا حَرَّمَ عَلَيْهِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu wuxuu sheegay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Ilaahay Qiiroodo caroodna karaahsadona, sida Muuminku u Qiiroodo una Caroodo una Karaahsado, sababta Ilaahay u caroodana, waa in Muuminku la yimaaddo waxa Ilaahay ka xarimay ee xumaan ah, sida Sinada, Khaniisida, Tuugada, Khamri cabida iyo xumaanta kale.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laga digayaa carada Ilaahay iyo ciqaabtiisa hadii lagu dhaco wuxuu xarimay.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 35) (5223). صحيح مسلم (4/ 2114) (2761). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص62). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 496). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 96). صفات الله عز وجل الواردة في الكتاب والسنة، لعلوي السَّقَّاف (ص267).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi

عن ابن عباس رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيمَا يَرْوِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ قَالَ: قَالَ: «إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إِلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ، إِلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَمَنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray Xasanaadka iyo Dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba Malag siday u qori lahaayeen. Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu Xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal Xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa Todoba Boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas Qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida. Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa Xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal Dambi.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadayn Ilaahay fadligiisa weyn ee uu Ummaddaan siiyey isago Xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin Dambiyada.
  2. Niyadu ahmiyad iyo saamayn ayey ku leedahay camalka.
  3. Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in Qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo Xasano.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 103) (6491). صحيح مسلم (1/ 118) (131). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص85). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص368). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص125). فتح الباري، لابن حجر (11/ 324).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَا يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ، وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina ".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn Sawirada dadka iyo Jirkoodu, inay Quruxsan yahay ama Fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo Hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtooda iyo waxa ku jira ee Taqwo, Yaqiin, Run, iyo Ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.

Faa’iidooyin
  1. Waa in Qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
  2. Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa Ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
  3. Qofku yaanu ku kadsoomin Xoolahiisa, Quruxdiisa, Jirkiisa iyo Shay walba oo ka mida Quruxda Aduunka.
  4. Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".
Tixraac

صحيح مسلم (2564) (4/ 1986). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 40). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص14). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 25).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo

عن أبي موسى رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَيُمْلِي لِلظَّالِمِ، حَتَّى إِذَا أَخَذَهُ لَمْ يُفْلِتْهُ» قَالَ: ثُمَّ قَرَأَ: «{وَكَذَلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَى وَهِيَ ظَالِمَةٌ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ}[هود: 102]»
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo", wuxuu yiri: ka dibna wuxuu akhriyey: "waa sidaa uun markuu Rabigaa qabto Magaalooyin dulmi falay, Rabigaa qabashadiisu waa mid aad u daran" [huud:102]).
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in lagu dhegenaado oo lagu socdo Dulmiga sida Macsida iyo Shirkiga, oo laga Dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay Koreeyee, wuu u kaadiyaa Qofka Daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, Maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo Dulmigiisii badan awgeed. Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto Magaalooyin Dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran" [huud:102].

Faa’iidooyin
  1. Qofka caqliga lehi waa inuu u degdego towbada, oo Ilaahay Makrigiisa uusan aamin ka ahaan haduu yahay mid Dulmi ku socda.
  2. Ilaahay casa wajala waa u kaadiyaa Daalimiinta kumana soo dadajiyo cuquubada iyago loo seeto dheeraynaayo cadaabkana loo laalaabo hadaysan towbad keenin.
  3. Dulmigu waa asbaabta Ummadduhu umutaan ciqaabta Ilaahay.
  4. Hadii Ilaahay halaago Magaalo waxaa dhici kara in dad Saalixiina ku jiraan, kuwaa waxaa lagu soo saarayaa Qiyaamaha waxay ku dhinteen ee wanaag ahaa, dhibna kuma haynayso inay ciqaabta kula jireen kuwa Daalimiinta ah.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 74) (4686). صحيح مسلم (4/ 1997) (2583). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 496). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 303). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 231). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص165). مرقاة المفاتيح، علي القاري (8/ 3200).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «قَالَ اللَّهُ: كَذَّبَنِي ابْنُ آدَمَ وَلَمْ يَكُنْ لَهُ ذَلِكَ، وَشَتَمَنِي وَلَمْ يَكُنْ لَهُ ذَلِكَ، فَأَمَّا تَكْذِيبُهُ إِيَّايَ فَقَوْلُهُ: لَنْ يُعِيدَنِي، كَمَا بَدَأَنِي، وَلَيْسَ أَوَّلُ الخَلْقِ بِأَهْوَنَ عَلَيَّ مِنْ إِعَادَتِهِ، وَأَمَّا شَتْمُهُ إِيَّايَ فَقَوْلُهُ: اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا وَأَنَا الأَحَدُ الصَّمَدُ، لَمْ أَلِدْ وَلَمْ أُولَدْ، وَلَمْ يَكُنْ لِي كُفْؤًا أَحَدٌ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-: wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: (Ilaahay wuxuu yiri: Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo , beeninta uu i beeniyey waa hadalkiisa: Ilaahay igumasoo celin karo sidii uu ii abuuray, Abuuritaankiisa horena ma aha mid iiga fudud soo celintiisa, caydiisa uu i caayeyna waa hadalkiisa: Ilaahay ilmuu leeyahay, anoo axad ah, oo makhluuqu baahidooda ay u sheegtaan, maanan dhalin la imana dhalin, wax ila mid ahina majiraan).
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu xadiis qudsigaan ku cadeeyey in Ilaahay sheegay in mushrikiinta iyo kufaartu Ilaahay beeniyeen oo ay ku sifeeyeen naaqusnimo iyo ceebo, inay sidaas yeelaana kuma haboonayn. Beenintooda ay Ilaahay beeniyeen waa inay sheegteen inaanu Ilaahay u abuuuri doonin markay dhintaan ka dib in mar labaad uu sidoodii hore oo uu cidla ka abuuray u abuuri karo, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay Ilaahii awalba iyagoon jirin abuuray uu awoodaa inuu soo celiyo oo ugasii fudud, waloow Ilaahay ay u wada siman yihiin abuurida iyo soo celintuba, Ilaahay wax walba waa awoodaa. caydooduna: waa hadalkooda: Ilaahay ilmo ayuu leeyahay, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay: inuu yahay Ilaah keli ah, oo la keliyoobay kaamilnimo xaga: magacyadiisa, sifooyinkiisa, afcaashiisa, oo uu ka nasahan yahay naqsi iyo ceeb oo dhan, oo uu yahay Samad aan cidna u baahnayn qof walban uu u baahan yahay, oo qofna uusan waalid u ahayn, oo qofna u ahayn ilmo, cid i la midana aysan jiri mid ila mida iyo mid ii egtoona jirin Ilaahay waa kii xumaan ka nasahan oo sareeya.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa u sugan Ilaahay Awood dhamaanteed.
  2. Waxaa sugan in la isa soo saaridoono dhimashada ka dib.
  3. wuu gaaloobay qofka inkira in la isa soo saaridoono ama yiraahda Ilaahay ilmo ayuu leeyahay.
  4. Ilaahay malaha cid la mida ama u eg.
  5. Waa waasicnimada dulqaadka Ilaahay isagaa xumaan ka hufane, iyo u kaadinta uu u kaadiyey gaalada bal inay toobadkeenaan oo soo laabtaan.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 180) (4974). عمدة القاري شرح صحيح البخاري، لمحمود بدر الدين العينى (20/ 9). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (1/ 94). القواعد المثلى في صفات الله وأسمائه الحسنى، لابن عثيمين (ص26).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ اللَّهَ قَالَ: مَنْ عَادَى لِي وَلِيًّا فَقَدْ آذَنْتُهُ بِالحَرْبِ، وَمَا تَقَرَّبَ إِلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إِلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُ عَلَيْهِ، وَمَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إِلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ، فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ: كُنْتُ سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ، وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ، وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا، وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا، وَإِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ، وَلَئِنِ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ، وَمَا تَرَدَّدْتُ عَنْ شَيْءٍ أَنَا فَاعِلُهُ تَرَدُّدِي عَنْ نَفْسِ المُؤْمِنِ، يَكْرَهُ المَوْتَ وَأَنَا أَكْرَهُ مَسَاءَتَهُ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "Ilaahay baa yiri: qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey, adoonkayguna ka suulimaayo inuu iigu soo dhawaado sunanta ilaa aan jeclaado, hadaan jeclaadona: waxaan noqdaa maqalkiisii uu wax ku maqlaayey, iyo aragiisii uu wax ku arkaayey, iyo gacantiisii uu wax ku qabanaayey, iyo lugtiisii uu ku soconaayey, haduu wax i waydiistona waan siin, haduu i magan galana waan magan gelin, ma jiro shay aan sameeyo oo aan ka laba labeeyo isadaan uga laba labeeyo muminka naftiisa, wuxuu neceb yahay geerida ana waxaan nibcahay xumayntiisa
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku sheegay xadiiskaan qudsiga ah in Ilaahay weyne yiri: Qofka dhiba wali ka mida awliyadeyda, oo ka caraysiiya waxaan ogaysiiyey colaad. Waligu waa: Mu'uminka Taqiga ah, qofka kolba inta iimaankiisa iyo Ilaah ka cabsiqiisu dhan yahay ayuu noqonayaa nasiibkiisa uu ka helaayo walinimada Ilaahay. Muslimku uguma soo dhawaado Rabigi shay uu ka jecel yahay wixii uu ku faral yeelay oo uu ku waajibyey oo ah samaynta daacada iyo ka tagida muxaramaatka, Muslimkuna ka suulimaayo inuu Rabigi ugu soo dhawaado sunanta iyo faralka, ilaa uu gaaro jeclaanta Ilaahay. Markuu Ilaahay jeclaadana Ilaahay wuxuu u toosiyaa xubnahan afarta ah: Ilaahay wuxuu u toosiyaa maqalka oo ma maqlo wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa aragiisa, oo ma eego wax aan Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa gacantiisa, oo kuma qabto wax aanu Ilaahay raali ka ahayn. Ilaahay wuxuu u toosiyaa lugtiisa oo kuma aado meel aan Ilaahay raali ka ahayn, oo uguma socdo wax aan khayr ahayn. Intaa waxaa u dheer haduu Ilaahay wax waydiisto Ilaahay wuu siinayaa, oo wuxuu noqonayaa mid ducadiisa la aqbalo, haduu Ilaahay wax ka magan galo oo soo hoos galo isagoo doonaaya inuu ilaaliyona, Ilaahay wuu magan galin wuuna ka ilaalin waxaa uu ka baqaayo. Ka dib Ilaahay wuxuu yiri: kamaan laba-labeeyo waxaan sameynayo sidaan uga laba-labeeyo qaadida nafta mu'uminka anigoo u naxariisanaya darteed, waayo wuxuu neceb yahay geerida xanuunka ay leedahay darteed, Ilaahayna waa neceb yahay wixii mu'uminka xanuujiya.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskani waa axaadiista uu Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka wariyey Rabigi, waxaana looyaqaan xadiis Aludsi ama xadiis Ilaahi ah, waana xadiiska ereyadiisa iyo macnohooduba Ilaahay ka sugnaadeen, inkastoo aanu lahayn sifaadka Qur'aanku leeyahay ee uu kaga duwan yahay wixii ka soo haray, sida in lagu cibaadaysto akhrintiisa, oo loo dahaaro qaato qaadashadiisa, cajsi gelintiisa iyo icjaaskiisa aysan cidna keeni karin, iyo intaa qayrkeedba.
  2. Waxaa la reebay in la dhibo awliyada Ilaahay, waxaana lagu booriyey dadku inay jeclaadaan awliyada Ilaahay oo ay gartaan fadliga ay leeyihiin.
  3. waxaa la faray dadku inay la ciloobaan cadawga Ilaahay oo ay xarimaan xiriirintooda.
  4. Qofka sheegta inuu wali Ilaahay yahay isagoo sharciga Ilaahay aan raacin been ayuu ka sheegay sheegashadiisa.
  5. Waxaa lagu gaaraa walinimada Ilaahay gudashada waajibaadka iyo ka fogaanta xaaraanta.
  6. Asbaabta Ilaahay ku jeclaado adoonka oo ducadiisa ku aqblo waxaa ka mida, inuu sameeyo sunooyinka markuu guto waajibaadka oo uu ka fogaado xaaraanta.
  7. xadiisku wuxuu tusinayaa sharafta Awliyada Ilaahay iyo in makaanadoodu sarayso.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 105) (6502). الإفصاح عن معاني الصحاح، ليحيى بن هبيرة (7/ 302). جامع العلوم والحكم في شرح خمسين حديثا من جوامع الكلم، لابن رجب (2/ 330). عمدة القاري شرح صحيح البخاري، لمحمود بدر الدين العينى (23/ 88). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي بن سلطان القاري (4/ 1544). تاج العروس من جواهر القاموس، للزبيدي (17/ 81). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 59). مجموع فتاوى ومقالات متنوعة، لابن باز(8/ 277).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane

عن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «الرَّاحِمُونَ يَرْحَمُهمُ الرَّحمنُ، ارحَمُوا أهلَ الأرضِ يَرْحْمْكُم مَن في السّماء».
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in kuwa u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanku u naxariisto, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, Dad, Xayawaan, Shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga Samada.

Faa’iidooyin
  1. Diinta Islaamku waa Diin naxariis, waana Diin dhamaanteed ku taagan daacada Ilaahay iyo wanaajinta kuwuu Ilaahay abuuray.
  2. Ilaahay isagaa weyne wuxuu ku tilmaaman yahay mid naxariis badan, waana Allaha naxariista guud iyo midda gaarka ahba naxariista, Adoomadiisana naxariista gaarsiiya.
  3. Abaal marintu waa kolba siduu yahay camalka la qabto-wanaag iyo xumaanba, kuwa naxariista badan Allaha Raxmaanka ah baa u naxariista.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 297) (4941). سنن الترمذي (3/ 483) (1924). مسند أحمد ط الرسالة (11/ 33) (6494). تحفة الأحوذي بشرح جامع الترمذي، لمحمد المباركفورى (6/ 43). سلسلة الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها، للألباني (2/ 594). معارج القبول بشرح سلم الوصول إلى علم الأصول، حافظ الحكمي (1/ 156).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa

عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «يَنْزِلُ رَبُّنَا تَبَارَكَ وَتَعَالَى كُلَّ لَيْلَةٍ إِلَى السَّمَاءِ الدُّنْيَا حِينَ يَبْقَى ثُلُثُ اللَّيْلِ الْآخِرُ، يَقُولُ: «مَنْ يَدْعُونِي فَأَسْتَجِيبَ لَهُ؟ مَنْ يَسْأَلُنِي فَأُعْطِيَهُ؟ مَنْ يَسْتَغْفِرُنِي فَأَغْفِرَ لَهُ؟».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa, Isagoo dhahaya: "yaa i baryaaya oo aan u ka ajiibaa? yaa wax i waydiisanaya oo siiyaa? yaa dambi dhaaf i waydiisanaya oo aan u dambi dhaafaa?".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay wayne u soo dego samada dhow habeen walba, marka ay ka hadho habeenka seddex meelood meesha u dambaysa, wuxuuna jeclaysiiyaa Adoomadiisa inay baryaan, wuuna ka ajiiba cidii barida, wuxuu ku booriyey inay waydiistaan waxay rabaan, isaguna wuu siiyaa cidii waydiisata, wuxuuna ugu yeedhaa inay Ilaahay dambi dhaaf way diistaan, Isagaa u dambi dhaafa Adoomadiisa Mu'uminiinta ah.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay Habeenka suluska dambe, iyo in la tukado Salaad, oo la ducaysto iyo in danbi dhaaf la waydiisto waqtigaas.
  2. Waxaa la gudboon Qofku markuu xadiiskan maqlo inuu ahaado mid aad ugu dadaala ka faa'iidaysiga saacadaha ducada la aqbalo.
Tixraac

صحيح البخاري صحيح البخاري (2/ 53) (1145). صحيح مسلم (1/ 521) (758). الإفصاح عن معاني الصحاح، ليحيى بن هبيرة (6/ 195).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 11
11 xadiis
  1. Ilaahay wuu caroodaa, Muuminkuna wuu caroodaa, carada Ilaahay waa inuu Muuminku la yimaado wax Ilaahay ka xarimay
  2. Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi
  3. Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina
  4. Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo
  5. Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo
  6. qofka la colooba waligayga, waxaan ogaysiiyey dagaal, adoonkaygu iiguma soo dhawaado waxaan ka jeclahay waxaan ku waajibyey
  7. kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka Samada ku sugane
  8. Rabigeen-tabaaraka watacaalaa-habeen walba wuxuu u soo degaa Samada dhow, marka habeenku yahay saddex qaybood qaybta u dambaysa
  9. Ilaahay kama Dulmiyo muuminka Xasano Aduunka wuu ku siiyaa Aakhirona
  10. Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku
  11. miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com