U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «قَالَ اللَّهُ: كَذَّبَنِي ابْنُ آدَمَ وَلَمْ يَكُنْ لَهُ ذَلِكَ، وَشَتَمَنِي وَلَمْ يَكُنْ لَهُ ذَلِكَ، فَأَمَّا تَكْذِيبُهُ إِيَّايَ فَقَوْلُهُ: لَنْ يُعِيدَنِي، كَمَا بَدَأَنِي، وَلَيْسَ أَوَّلُ الخَلْقِ بِأَهْوَنَ عَلَيَّ مِنْ إِعَادَتِهِ، وَأَمَّا شَتْمُهُ إِيَّايَ فَقَوْلُهُ: اتَّخَذَ اللَّهُ وَلَدًا وَأَنَا الأَحَدُ الصَّمَدُ، لَمْ أَلِدْ وَلَمْ أُولَدْ، وَلَمْ يَكُنْ لِي كُفْؤًا أَحَدٌ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee-: wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: (Ilaahay wuxuu yiri: Ibnu Aadam ayaa i beeniyey xaqna u malaha inuu i beeniyo, wuuna i caayey xaqna u malaha inuu i caayo , beeninta uu i beeniyey waa hadalkiisa: Ilaahay igumasoo celin karo sidii uu ii abuuray, Abuuritaankiisa horena ma aha mid iiga fudud soo celintiisa, caydiisa uu i caayeyna waa hadalkiisa: Ilaahay ilmuu leeyahay, anoo axad ah, oo makhluuqu baahidooda ay u sheegtaan, maanan dhalin la imana dhalin, wax ila mid ahina majiraan).
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu xadiis qudsigaan ku cadeeyey in Ilaahay sheegay in mushrikiinta iyo kufaartu Ilaahay beeniyeen oo ay ku sifeeyeen naaqusnimo iyo ceebo, inay sidaas yeelaana kuma haboonayn. Beenintooda ay Ilaahay beeniyeen waa inay sheegteen inaanu Ilaahay u abuuuri doonin markay dhintaan ka dib in mar labaad uu sidoodii hore oo uu cidla ka abuuray u abuuri karo, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay Ilaahii awalba iyagoon jirin abuuray uu awoodaa inuu soo celiyo oo ugasii fudud, waloow Ilaahay ay u wada siman yihiin abuurida iyo soo celintuba, Ilaahay wax walba waa awoodaa. caydooduna: waa hadalkooda: Ilaahay ilmo ayuu leeyahay, wuxuuna Ilaahay ugu jawaabay: inuu yahay Ilaah keli ah, oo la keliyoobay kaamilnimo xaga: magacyadiisa, sifooyinkiisa, afcaashiisa, oo uu ka nasahan yahay naqsi iyo ceeb oo dhan, oo uu yahay Samad aan cidna u baahnayn qof walban uu u baahan yahay, oo qofna uusan waalid u ahayn, oo qofna u ahayn ilmo, cid i la midana aysan jiri mid ila mida iyo mid ii egtoona jirin Ilaahay waa kii xumaan ka nasahan oo sareeya.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa u sugan Ilaahay Awood dhamaanteed.
  2. Waxaa sugan in la isa soo saaridoono dhimashada ka dib.
  3. wuu gaaloobay qofka inkira in la isa soo saaridoono ama yiraahda Ilaahay ilmo ayuu leeyahay.
  4. Ilaahay malaha cid la mida ama u eg.
  5. Waa waasicnimada dulqaadka Ilaahay isagaa xumaan ka hufane, iyo u kaadinta uu u kaadiyey gaalada bal inay toobadkeenaan oo soo laabtaan.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 180) (4974). عمدة القاري شرح صحيح البخاري، لمحمود بدر الدين العينى (20/ 9). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (1/ 94). القواعد المثلى في صفات الله وأسمائه الحسنى، لابن عثيمين (ص26).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com