Xadiisyo la sharraxay
Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «يَقْبِضُ اللَّهُ الأَرْضَ، وَيَطْوِي السَّمَوَاتِ بِيَمِينِهِ، ثُمَّ يَقُولُ: أَنَا المَلِكُ، أَيْنَ مُلُوكُ الأَرْضِ».
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isago dhahaya: "Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay Maalinta Qiyaamah dhulka qaban doono iskuna ururin doono, samadana Midigtiisa ayuu ku laa-laabi doono, Samo walbana tan kale ayuu ku laabi doono, oo wuu baabi'in doono, wuxuuna dhihidoonaa: Anaa Boqora ee aawey Boqoradii Dhulku?!
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan in la xasuusinayo dadka in Boqornimada Ilaahay baaqi ahaandoonto, Boqornimada Makhluuquna dhamaanayso.
- Waynida Ilaahay iyo waynida awoodiisa iyo saldanadisa iyo kaamilnimada Boqortooyadiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 126) (4812)، صحيح مسلم (4/ 2148) (2787)، فتح الباري (13/367)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (23/ 101)، البحر المحيط الثجاج (43/324).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Ilaahay casa wajala oo la rumeeyoXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com