Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- waxaa la wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, ee aan Ilaahay ahayn kaligiisna ah ee aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamed adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falaya waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamed iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.
Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamed-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul ee laahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon aanna la caabudayn.
Fadliga uu leeyahay towxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 165) (3435).
صحيح مسلم (1/ 57) (28).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص25).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص36).
عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ عُمَر رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم: «بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: -Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Faa’iidooyin
Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi mayso ilaa tan kale la la yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
Labada Ashahaado waa aasaaska Diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 11) (8)، صحيح مسلم (1/ 45) (16)، و(1/ 88) (82)، فتح الباري لابن رجب (1/ 22)، جامع العلوم والحكم (1/147)، شرح الأربعين لابن العطّار (ص 62)، شرح الأربعين النووية لعبد الكريم الخضير (ص 87)، فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 29)، شرح الأربعين النووية لصالح آل الشيخ (ص 91 - 95)، التحفة الربانية لإسماعيل الأنصاري (ص 12).
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga Tawxiidku leeyahay iyo in Qofkii dhinta isagoo Muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu Janada gelayo.
Xadiiska waxaa ku sugan khatarta shirkigu leeyahay, iyo in Qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu Naarta gelayo.
Muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 94) (93)، إكمال المعلم بفوائد مسلم (1/ 363)، شرح النووي على مسلم (2/96) المفهم للقرطبي (1/290)، تطريز رياض الصالحين (ص 281)، الكوكب الوهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج (3/63).
Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna waydiiyeen: waxaan Naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yiri: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yiri: kaasi waa iimaan cad.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Waxaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid qaar Asaxaabtiisa ka mida, waxay waydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya awgeed. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.
Faa’iidooyin
Waxaa cad shaydaanku inuu ka daciifsan yahay inuu wax yeelo dadka iimaanka leh, waayo ma awoodo was-waasin maahe.
Waa inaan la rumayn oo la aqbalin waswaaska Nafta ku soo dhacaya waayo wuxuu ka imaanayaa shaydaanka.
Was waaska shaydaanku mu'minka ma dhibo, laakiin waa inuu ka magan galo Ilaahay waswaaskiisa, uuna ka joogsado inuu siiwado.
Ma haboona qofka muslimka ah inuu ka aamuso wixii ishkaal ah ee kaga yimaada xaga diintiisa, waxaana ku haboon inuu waydiiyo wuxuu garan waayo.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 119) (132)، معالم السنن (4/174)، المفهم للقرطبي (1/344)، شرح النووي على مسلم (2/154)، البحر المحيط الثجاج (3/622).
عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: جاءَ رجُلُ إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال: يا رسولَ اللهِ، إن أحدنا يجدُ في نفسِهِ -يُعرِّضُ بالشَّيءِ- لأَن يكونَ حُمَمَةً أحَبُّ إليه من أن يتكلَّم بِهِ، فقال: «اللهُ أكبرُ، اللهُ أكبرُ، الحمدُ لله الذي ردَّ كيدَه إلى الوسوسَةِ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid, wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow Naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yiri Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas kaliya.
Faa’iidooyin
Waxaa cad in shaydaanku muminiinta ku gaadayo siduu u was-waasin lahaa, si uu uga hor joogsado iimaanka, uguna celiyo gaal nimo.
Waa cadaynta in shaydaanku ka daciifsan yahay inuu dadka iimaanka leh wax yeelo, isagoon awood u llahayn waswaasin mooyee.
Qofka Muminka ah waxaa ku haboon inuu ka tago waswaaska Sheydaanka oo uu iska joojiyo.
Waa Sharci in la takbiirsado marka wax wanaagsan la arko ama wax lala yaabo ama arimaha la midka ah.
Waa Sharci in Qofka Muslim ka ahi weydiiyo culimada wixii uu garan waayo.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 435) (5112) السنن الكبرى للنسائي (9/ 249) (10435)، شرح سنن أبي داود للعباد (580/ 28)، صحيح مسلم (1/ 119) (132)، شرح سنن أبي داود لابن رسلان (19/370)، ومرقاة الصعود (3/1301).
Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu
nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.
Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 123) (3276)، صحيح مسلم (1/ 120) (134)، إكمال المعلم (1/432)، المفهم (1/345)، فتح الباري (6/ 340)، طرح التثريب (8/163)، بهجة قلوب الأبرار (ص 27).
عَنْ سُفْيان بنِ عَبْدِ اللهِ الثَّقَفِيّ رضي الله عنه قال: قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ، قُلْ لِي فِي الْإِسْلَامِ قَوْلًا لَا أَسْأَلُ عَنْهُ أَحَدًا غَيْرَكَ، قَالَ: «قُلْ: آمَنْتُ بِاللهِ، ثُمَّ اسْتَقِمْ».
Sufyaan Binu Cabdullaahi Asaqafi -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, iiga sheeg Diinta Islaamka hadal aana waydiin cid aan adiga ahayn, wuxuu yiri: "dheh: Ilaahay ayaan rumeeyey ka dibna toosnow."
Waxaa wariyay Muslim iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Saxaabigii Sufyaan Binu Cabdullaahi -Allaha ka raali ahaadee- ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu baro hadal soo koobaya macnaha Islaamka oo uu qabsado, cid kalana aanu waydiin? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuxuu ku yiri: dheh: Ilaahay ayaa kaligi ah, waana rumeeyey inuu Rabigay yahay, Ilaahayna yahay oo isagu i abuuray, uuna yahay kan aan caabudo ee xaqa ah ee aan lahayn cid shirko la ah. ka dibna uu u hogaansamo adeecida Ilaahay isagoo gudanaaya wixii Ilaahay ku waajibiyey, kana tagaya wixii Ilaahay ka xarimay sidaasna joogteeya.
Faa’iidooyin
Diinta asalkeedu waa in la rumeeyo Ilaahay Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa sare.
Muhumad ayey leedahay toosnaantu Imaanka ka dib, iyadoo la joogtaynaayo in cibaadada lagu sugnaado.
Iimaanku waa shardiga lagu aqblo Camalka.
Rumaynta Ilaahay waxaa soo galaya wax kasta oo ay waajib tahay in la rumeeyo ee ay ka mid yihiin Caqiidada Imaanka iyo Usuushiisa, iyo wixii soo raaca ee ah camalka Qalbiga iyo hogaansanka iyo in Ilaahay la isu dhiibo Uurka iyo Oogadaba.
Toosnaantu waa in lagu taagnaado dariiqa iyadoo lala imaanayo waajibaadkii lagana tegayo wixii la iska reebay.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 65) (38)، مسند أحمد (24/ 141) (15416)، المفهم (1/137)، جامع العلوم والحكم (1/507)، فتح القوي المتين للعباد (ص 76)، شرح الأربعين النووية لعبد الكريم الخضير (ص 285)، شرح الأربعين لصالح آل الشيخ (ص 305).