U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin

عَنْ جَابِرٍ رضي الله عنه قَالَ: أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا الْمُوجِبَتَانِ؟ فَقَالَ: «مَنْ مَاتَ لَا يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ مَاتَ يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ النَّارَ»
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga Tawxiidku leeyahay iyo in Qofkii dhinta isagoo Muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu Janada gelayo.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan khatarta shirkigu leeyahay, iyo in Qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu Naarta gelayo.
  3. Muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 94) (93)، إكمال المعلم بفوائد مسلم (1/ 363)، شرح النووي على مسلم (2/96) المفهم للقرطبي (1/290)، تطريز رياض الصالحين (ص 281)، الكوكب الوهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج (3/63).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Ilaahay casa wajala oo la rumeeyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com