U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Towxiidak Rabinimda

5 xadiis

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la waydiiyey: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray

عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قال: سَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الذَّنْبِ أَعْظَمُ عِنْدَ اللهِ؟ قَالَ: «أَنْ تَجْعَلَ لِلهِ نِدًّا وَهُوَ خَلَقَكَ» قُلْتُ: إِنَّ ذَلِكَ لَعَظِيمٌ، قُلْتُ: ثُمَّ أَيُّ؟ قَالَ: «وَأَنْ تَقْتُلَ وَلَدَكَ؛ تَخَافُ أَنْ يَطْعَمَ مَعَكَ» قُلْتُ: ثُمَّ أَيُّ؟ قَالَ: «أَنْ تُزَانِيَ حَلِيلَةَ جَارِكَ».
Cabdillaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la waydiiyey: xaga Ilaahay dambigee ugu wayn?, wuxuu yiri: "waa adigoo Ilaahay u sameeya mid la mida isagoo ku abuuray", waxaan iri: arinkaasi waa mid weyn, maxaa ku xiga?, wuxuu yiri: "inaad Ilmahaaga disho, adoo ka cabsanaaya inuu wax kula cuno", waxaan iri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: "inaad ka sinaysatid Xaaska Dariskaaga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxaa la waydiiyey kan ugu weyn Dambiyada wuxuuna yiri: Dambiyada shirkigaa ugu weyn, waana inaad Ilaahay u sameyso mid u dhigma ama la mida Ilaahnimadiisa ama Rabinimadiisa ama Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa, danbigaasna Ilaahay kuma dhaafo Towbad mooyee, Qofkii sameeyaa haduu ku dhinto Naarta ayuu ku waarayaa. Ka dib waxaa Qofkii ilmihiisa dila isagoo ka baqaya inuu wax la cuno, dilka naftana waa la xarimay, laakiin wuxuu dambigu ku sii waynaanayaa markuu noqdo kan la dilay mid qaraabo dhaw la ah kan dilay, waxa kaloo dambiga sii waynaynaya marka ujeedka dilku noqdo cabsi uu ka qabo kan wax dilay in kan la dilay la wadaago irsaaqada Ilaahay. Ka dib waxaa xiga in ninku ka sinaysto Xaaska Dariskiisa, isagoo dabin u dhigaaya Xaaska Dariskiisa ilaa uu ka sinaysto oo ay u hogaansanto. Sinadu waa xaaraan laakiin wuxuu dambigeedu sii weyn yahay marka mida laga sinaystey ay tahay Xaaska Dariska ee Shareecada Islaamku ku la dardaarantay in la wanaajiyo oo loo baarinimo falo oo dhaqan fiican lagula dhaqmo.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Dambiyade ka la weyn yihiin, sida camalka wanaagsanba uu u ka la ajar badan yahay.
  2. Dambiyada waxaa ugu weyn: Ilaahay oo loo shariig yeelo, ka dibna inaad disho Ubadkaaga adigo ka baqaya inuu wax ku la cuno, ka dibna inaad ka sinaysato Xaaska Dariskaaga.
  3. IrsaaqaduGacanta Ilaahay ayey ku jirtaa, Isagaana kafaala qaaday quudka Makhluuqa oo dhan.
  4. Xaqa Jaarku waa mid aad u weyn, dhibka loo gaystona dambigiisu waa ka weyn yahay kan loo gaysto dadka kale.
  5. Allaha Khaaliqa ah kaligi uun baa xaq u leh cibaadada cid la wadaagtana ma jirto.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 18) (4477). صحيح مسلم (1/ 90) (86). شرح النووي على مسلم (2/ 79). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 288). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 335).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay xagiisa waxaa dadka ugu cadaab kulul maalinta qiyaame kuwa Ilaahay khalqigiisa wax u ekaysiiya

عَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المُؤمنينَ رضي الله عنها قَالَتْ: دَخَلَ عَلَيَّ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَقَدْ سَتَرْتُ سَهْوَةً لِي بِقِرَامٍ فِيهِ تَمَاثِيلُ، فَلَمَّا رَآهُ هَتَكَهُ وَتَلَوَّنَ وَجْهُهُ وَقَالَ: «يَا عَائِشَةُ، أَشَدُّ النَّاسِ عَذَابًا عِنْدَ اللهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ الَّذِينَ يُضَاهُونَ بِخَلْقِ اللهِ» قَالَتْ عَائِشَةُ: «فَقَطَعْنَاهُ فَجَعَلْنَا مِنْهُ وِسَادَةً أَوْ وِسَادَتَيْنِ».
Caa'isha, Muminiinta Hooyadood- Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Nabiga ayaa ii soo galay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- anigo sanduuqayga ku daboolay maro sawiro leh, Nabigu scw markuu arkay maradii wajigiisu waa isbedelay wuxuuna yiri: caa`ishoy Ilaahay xagiisa waxaa dadka ugu cadaab kulul maalinta qiyaame kuwa Ilaahay khalqigiisa wax u ekaysiiya, caa`isha waxay tiri: maradii waan kala jeexnay oo waxaan ka dhignay barkin ama laba barkimood.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay Caa'isha, wuxuu arkay iyadoo sanduuq alaabta lagu rido ku dabooshay maro sawiro wax naflay ahi ku sawiran yihiin, markaasaa Nabiga scw wejigiisu isbedelay isagoo Ilaahay darti u carooday, wuuna ka tuuray maradii, wuxuuna yiri: Dadka ugu cadaabta daran maalinta qiyaamaha waa kuwa u ekeysiinaaya sawiradooda makhluuqaadka Ilaahay. Caa'isha waxay tiri: waxaan ka dhignay barkimo ama labo barkimood.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa haboon in waxa xun la reebo marka la arko ee u horaysa, dibna aan loo dhigin, hadaanu fasahaad ka xuni ka dhalanayn.
  2. Cadaabtu maalinta qiyaamaha way u kala daran tahay sida dambiyadu u kala waa-wayn yihiin.
  3. Sawirida naflaydu waxay ka mid tahay dambiyada waa-wayn.
  4. Xikmadaha loo xarimay sawirida waxaa ka mida inay shabahdo Ilaahay khalqigiisa, waana isku mid haduu uga jeedo kan wax sawirayaa u ekeysiin ama yaanu uga jeedine.
  5. Shareecada Islaamku waxay ku dadaashay ilaalinta maalka iyadoo laga faa'iidaysanayo, ka dib marka laga fogeeyo wixii xaaraan ah.
  6. Waxaa la reebay in la sameeyo sawirada wixii naflay ah qaabkay doontaba ha ahaatee, xataa hadii ay tahay wax la liido.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 168) (5954). صحيح مسلم (3/ 1668) (2107). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 442). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص399). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص441). كتاب التوحيد لمحمد بن عبد الوهاب (ص138).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta

عن أنس بن مالك رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَمُعَاذٌ رَدِيفُهُ عَلَى الرَّحْلِ قَالَ: «يَا مُعَاذُ بْنَ جَبَلٍ»، قَالَ: لَبَّيْكَ يَا رَسُولَ اللهِ وَسَعْدَيْكَ، قَالَ: «يَا مُعَاذُ»، قَالَ: لَبَّيْكَ يَا رَسُولَ اللهِ وَسَعْدَيْكَ، ثَلَاثًا، قَالَ: «مَا مِنْ أَحَدٍ يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ صِدْقًا مِنْ قَلْبِهِ إِلَّا حَرَّمَهُ اللهُ عَلَى النَّارِ»، قَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَفَلَا أُخْبِرُ بِهِ النَّاسَ فَيَسْتَبْشِرُوا؟ قَالَ: «إِذًا يَتَّكِلُوا». وَأَخْبَرَ بِهَا مُعَاذٌ عِنْدَ مَوْتِهِ تَأَثُّمًا.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: "Mucaad Binu Jabalow" isna wuxuu ku yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, wuxuu ku yiri: "Mucaadow", wuxuu yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, seddeax jeer, wuxuu yiri: "majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta", wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma u sheegaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: "way is dhiganayaan", Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka qabey inuu ku dambaabo qarinta Cilmiga.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaadee wuxuu ahaa mid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa la fangashan Neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadow? wuuna ku cel-celiyey dhawaqaa seddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada wuxuu ku oron doono. Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (waa ku ajiibay hadan waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow, farxad ayey ii tahay ajiibidaaduye). Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Qofkii qira inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta. Mucaad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee inuu dadka u sheego, si ay ugu farxaan oo khayr ugu bishaaraystaan. Rasuulku nabdgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baqay inay is dhigtaan oo camalkoodu yaraado. Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku cad in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Fangalinta uu Neefkiisii Mucaad Fangeliyey uu ku Tawaaducay.
  2. Xadiiska waxaa ku cad Dariiqada Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka wax u barayey isagoo Mucaad ugu celcelinaayey u yeerida si uu ugu soo jeediyo wuxuu oron doono.
  3. Shuruuda shahaadada waxaa ka mida: laa ilaaha ilaa Allaah wa Ana Maxamedan Rasuulu Allaah waa inay Qofka oronaya ay run ka tahay oo uu yaqiinsan yahay, beena ka ahayn shakina jirin.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan in Dadka Ahlu Towxiidka ah aysan ku waarayn Naarta Jahanama, hadii xataa ay sababta dambigooda ku galaan, waa laga soo saarin marka dambiga laga nadiifiyo ka dib.
  5. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga labada Shahaado u leeyihiin Qofkii run ahaan u yiraahda.
  6. Waa banaan tahay inaan dadka loo sheegin Xadiiska hadii Fasaad ka dhalanaayo sheegidiisa.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 37) (128). صحيح مسلم (1/ 61) (32). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 377). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 487). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 496).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey

عَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الجُهَنِيِّ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: صَلَّى لَنَا رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَاةَ الصُّبْحِ بِالْحُدَيْبِيَةِ عَلَى إِثْرِ سَمَاءٍ كَانَتْ مِنَ اللَّيْلَةِ، فَلَمَّا انْصَرَفَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ، فَقَالَ: «هَلْ تَدْرُونَ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ؟» قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «أَصْبَحَ مِنْ عِبَادِي مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ، فَأَمَّا مَنْ قَالَ: مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللهِ وَرَحْمَتِهِ، فَذَلِكَ مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ بِالْكَوْكَبِ، وَأَمَّا مَنْ قَالَ: بِنَوْءِ كَذَا وَكَذَا، فَذَلِكَ كَافِرٌ بِي وَمُؤْمِنٌ بِالْكَوْكَبِ».
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
  2. Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
  3. Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
  4. Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa Roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
  5. Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 169) (846)، صحيح مسلم (1/ 83) (71)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 484)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 260).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?

عَنْ ‌قَتَادَةَ رحمه الله قال: حَدَّثَنَا ‌أَنَسُ بْنُ مَالِكٍ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ أَنَّ رَجُلًا قَالَ: يَا نَبِيَّ اللهِ كَيْفَ يُحْشَرُ الْكَافِرُ عَلَى وَجْهِهِ؟ قَالَ: «أَلَيْسَ الَّذِي أَمْشَاهُ عَلَى الرِّجْلَيْنِ فِي الدُّنْيَا قَادِرًا عَلَى أَنْ يُمْشِيَهُ عَلَى وَجْهِهِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ؟» قَالَ قَتَادَةُ: بَلَى وَعِزَّةِ رَبِّنَا.
Qataada Allaha u naxariiste waxaa laga wariyey inuu yiri: Anas Binu Maalik Allaha ka raalli ahaade wuxuu noosheegay in Nin yiri: Nabiga Ilaahayow, sidee Gaalka loo keenin Maxsharka isagoo wajigiisa ku socda? wuxu yiri: ( miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey lugaha aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaame?) Qataada wuxuu yiri: haa, Cisada Rabigay ayaan ku dhaartaye.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga scw waxaa la waydiiyey: sida Gaalka loo keenin maxsharka maalinta qiyaamaha isagoo wejiga ku socda?! wuxuu yiri Nabigu scw miyaanu ahayn Ilaahii ku socodsiiyey labo lugood aduunka mid awooda inuu ku socodsiiyo wajigiisa maalinta qiyaamaha?! Ilaahay wax walba waa awoodaa.

Faa’iidooyin
  1. Gaalku waa dulaysan yahay maalinta qiyaamaha wuxuuna ku soconayaa wajigiisa.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 109) (6523)، صحيح مسلم (4/ 2161) (2806)، الإفصاح عن معاني الصحاح (5/200)، فتح الباري (11/382)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (23/ 105)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (43/ 454).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com