Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa u soo galay Caa'isha, wuxuu arkay iyadoo sanduuq alaabta lagu rido ku dabooshay maro sawiro wax naflay ahi ku sawiran yihiin, markaasaa Nabiga scw wejigiisu isbedelay isagoo Ilaahay darti u carooday, wuuna ka tuuray maradii, wuxuuna yiri: Dadka ugu cadaabta daran maalinta qiyaamaha waa kuwa u ekeysiinaaya sawiradooda makhluuqaadka Ilaahay. Caa'isha waxay tiri: waxaan ka dhignay barkimo ama labo barkimood.
- Waxaa haboon in waxa xun la reebo marka la arko ee u horaysa, dibna aan loo dhigin, hadaanu fasahaad ka xuni ka dhalanayn.
- Cadaabtu maalinta qiyaamaha way u kala daran tahay sida dambiyadu u kala waa-wayn yihiin.
- Sawirida naflaydu waxay ka mid tahay dambiyada waa-wayn.
- Xikmadaha loo xarimay sawirida waxaa ka mida inay shabahdo Ilaahay khalqigiisa, waana isku mid haduu uga jeedo kan wax sawirayaa u ekeysiin ama yaanu uga jeedine.
- Shareecada Islaamku waxay ku dadaashay ilaalinta maalka iyadoo laga faa'iidaysanayo, ka dib marka laga fogeeyo wixii xaaraan ah.
- Waxaa la reebay in la sameeyo sawirada wixii naflay ah qaabkay doontaba ha ahaatee, xataa hadii ay tahay wax la liido.
صحيح البخاري (7/ 168) (5954). صحيح مسلم (3/ 1668) (2107). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 442). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص399). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص441). كتاب التوحيد لمحمد بن عبد الوهاب (ص138).