Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxaa la waydiiyey kan ugu weyn Dambiyada wuxuuna yiri: Dambiyada shirkigaa ugu weyn, waana inaad Ilaahay u sameyso mid u dhigma ama la mida Ilaahnimadiisa ama Rabinimadiisa ama Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa, danbigaasna Ilaahay kuma dhaafo Towbad mooyee, Qofkii sameeyaa haduu ku dhinto Naarta ayuu ku waarayaa. Ka dib waxaa Qofkii ilmihiisa dila isagoo ka baqaya inuu wax la cuno, dilka naftana waa la xarimay, laakiin wuxuu dambigu ku sii waynaanayaa markuu noqdo kan la dilay mid qaraabo dhaw la ah kan dilay, waxa kaloo dambiga sii waynaynaya marka ujeedka dilku noqdo cabsi uu ka qabo kan wax dilay in kan la dilay la wadaago irsaaqada Ilaahay. Ka dib waxaa xiga in ninku ka sinaysto Xaaska Dariskiisa, isagoo dabin u dhigaaya Xaaska Dariskiisa ilaa uu ka sinaysto oo ay u hogaansanto. Sinadu waa xaaraan laakiin wuxuu dambigeedu sii weyn yahay marka mida laga sinaystey ay tahay Xaaska Dariska ee Shareecada Islaamku ku la dardaarantay in la wanaajiyo oo loo baarinimo falo oo dhaqan fiican lagula dhaqmo.
- Xadiiska waxaa ku sugan in Dambiyade ka la weyn yihiin, sida camalka wanaagsanba uu u ka la ajar badan yahay.
- Dambiyada waxaa ugu weyn: Ilaahay oo loo shariig yeelo, ka dibna inaad disho Ubadkaaga adigo ka baqaya inuu wax ku la cuno, ka dibna inaad ka sinaysato Xaaska Dariskaaga.
- IrsaaqaduGacanta Ilaahay ayey ku jirtaa, Isagaana kafaala qaaday quudka Makhluuqa oo dhan.
- Xaqa Jaarku waa mid aad u weyn, dhibka loo gaystona dambigiisu waa ka weyn yahay kan loo gaysto dadka kale.
- Allaha Khaaliqa ah kaligi uun baa xaq u leh cibaadada cid la wadaagtana ma jirto.
صحيح البخاري (6/ 18) (4477). صحيح مسلم (1/ 90) (86). شرح النووي على مسلم (2/ 79). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 288). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 335).