Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.
- Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
- Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
- Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
- Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa Roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
- Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.
صحيح البخاري (1/ 169) (846)، صحيح مسلم (1/ 83) (71)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 484)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 260).