U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: جاءَ رجُلُ إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال: يا رسولَ اللهِ، إن أحدنا يجدُ في نفسِهِ -يُعرِّضُ بالشَّيءِ- لأَن يكونَ حُمَمَةً أحَبُّ إليه من أن يتكلَّم بِهِ، فقال: «اللهُ أكبرُ، اللهُ أكبرُ، الحمدُ لله الذي ردَّ كيدَه إلى الوسوسَةِ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid, wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow Naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yiri Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.
waxaa wariyey Abuu daawuud,nasaa.i oo kawayn kuwariyeyDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahayow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas kaliya.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa cad in shaydaanku muminiinta ku gaadayo siduu u was-waasin lahaa, si uu uga hor joogsado iimaanka, uguna celiyo gaal nimo.
  2. Waa cadaynta in shaydaanku ka daciifsan yahay inuu dadka iimaanka leh wax yeelo, isagoon awood u llahayn waswaasin mooyee.
  3. Qofka Muminka ah waxaa ku haboon inuu ka tago waswaaska Sheydaanka oo uu iska joojiyo.
  4. Waa Sharci in la takbiirsado marka wax wanaagsan la arko ama wax lala yaabo ama arimaha la midka ah.
  5. Waa Sharci in Qofka Muslim ka ahi weydiiyo culimada wixii uu garan waayo.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 435) (5112) السنن الكبرى للنسائي (9/ 249) (10435)، شرح سنن أبي داود للعباد (580/ 28)، صحيح مسلم (1/ 119) (132)، شرح سنن أبي داود لابن رسلان (19/370)، ومرقاة الصعود (3/1301).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Ilaahay casa wajala oo la rumeeyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com