Cumar Binu Khaddaab- Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ilaahay casa wajala wuxuu idinka reebay inaad ku dhaarataan aabayaashiin", Cumar baa yiri: wallaahi kuma dhaaran tan iyo markii aan reebida ka maqlay Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ha ahaato si u la kac ah ama midaan qof kale ka soo wariyaye.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu sheegay- in Ilaahay reebay in lagu dhaarto Aabayaasha, Qofkii doonaya inuu dhaarto yaanu ku dhaaran cidan Ilaahay ahayn
oo yaanu ku dhaaraan Ilaahay qayrki. Ka dib Cumar Binu Khadaab ayaa sheegay inuusan ku dhaaran aabihii ilaa markii uu reebida ka maqley Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, si u la kaca ama mid aan qof kale oo ilaahay qayrki ku dhaartay ka soo wariyaye.
Faa’iidooyin
waa la xarimay in lagu dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, wuxuuna si gaara u sheegay in aabayaasha lagu dhaarto, waayo waa dhaqankii jaahiliga.
Dhaartu: waa in lagu dhaarto Ilaahay ama magacyadiisa iyo sifooyinkiisa iyadoo la adkaynaayo arin gaara.
Fadliga Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali noqdee, siduu ugu degegay inuu fuliyo amarka iyo fahamkiisa fiican iyo xalaal miiradkiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 132) (6647).
صحيح مسلم (3/ 1266) (1646).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص684).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 134).
In looga ekaado in qabuurta laga dhigo Masaajid lagu tukado ama xageeda loo tukado hadii aan xataa Masjid laga dhisin.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 95) (435)، (2/ 102) (1390).
صحيح مسلم (1/ 377) (531)، (1/ 376) (529).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، للشيخ صالح الفوزان (ص170).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد بن عبد العزيز السليمان القرعاوي (ص185).
Xudeyfa -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadhihina: hadii Ilaahay ogolaado Hebelna ogolaado, laakiin waxaad dhahdaan: hadii Ilaahay ogolaado ka dibna Hebel ogolaado."
Waa wariyay Abuu Daa'uud, An-Nasaa'i oo Sunan Kubraa ah, iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah, marka la isku daro dariiqyadiisa
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay inuu qofka muslimka ahi dhoho: hadii Ilaahay ogolaado hebelna ogolaado." Ama hadii Ilaahay doono iyo Hebel, Waayo doonista Ilaahay iyo Iraadadiisu waa mid guud oo Isaga u gaara oo aan cidna la wadaagin. Adeegsiga xarafka waaw oo loo adeegsado isku xirka (iyo) wuxuu tusayaa oo loo fahmayaa in lala wadaagayo Ilaahay wuxuu xukumayo, iyo in cid lala simayo Ilaahay-isagaa nusqaan oo dhan ka hufane-. laakiin wuxuu oran: hadii Ilaahay ogolaado, ka dibna Hebel ogolaado, oo wuxuuna ka dhigayaa rabitaanka iyo doonista Adoonku inay ku xiran tahay doonitaanka Ilaahay isagoo oranaya: xarafka (suma), oo macnihiisu yahay (ka dib), wuxuuna ka leexanayaa oo iska ilaalinayaa xarafka (waaw), waayo xarafka (suma) wuxuu faa'iidaynayaa oo loo fahmayaa ka daba geyn, iyo ka danbayn.
Faa’iidooyin
Waxaa ku sugan Xadiiska inuu xaaraan yahay hadalka: "wuxuu Ilaahay ogolaado ee adna aad ogolaatid", iyo Ereyada la midka ah kuwaasoo laga fahmayo in Ilaahay wax lagu lamaaninaayo, sida adeegsiga xarafka waaw, oo macnihiisu yahay (iyo), waayo hadalka noocaas ahi waa Shirkiga Ereyada iyo Hadalka.
Xadiiska waxaa ku sugan inay banaan yahay hadalka: '' waxa Ilaahay ogolaado ka dibna aad ogolaato'', iyo Ereyada u eg ee Ilaahay lagu larayo Ereyga lagu dhawaaqi '' suma'', waayo Ereygani macnihii laga cararayey ma laha.
Xadiiska waxaa ku sugan in Ilaahay loo sugayo Mashii`ada, Adoonkana loo sugay Mashii`ada, laakiin Mashii`ada Addoonku tan Ilaahay ayey raacsan tahay, oo ma yeelan karo Mashii`ad tan Ilaahay ka Madax banaan.
Xadiiska waxaa ku sugan inay reeban tahay in khalqiga lala wadaajiyo Mashii`ada Ilaahay Erey ahaanba ha ahaatee.
Qofka oronaya Ereyga haduu rumaysaysan yahay in Mashii`ada Adoonku la mid tahay Mashii`ada Ilaahay oo ay la siman tahay si guud ahaaneed, ama uu rumeeyo in Adoonku leeyahay Mashii`o gaara oo tan Ilaahay ka baxsan waa shirki weyn, hadiise uu rumeeyo in Mashii`ada Adoonku tan Ilaahay ka hoosayso waa shirki yar.
Tixraac
السنن الكبرى للنسائي (9/ 361) (10755).
سنن أبي داود (7/ 334) (4980).
مسند أحمد (38/ 299) (23265)، (38/ 364) (23339).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص368).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص329).
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaadka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryam nabadi korkiisa ha ahaatee. Ka dib wuxuu cadeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: Adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii.
Faa’iidooyin
Waxaa laga digayaa in la dhaafo xadka sharciga ah ee weyneynta iyo amaanta, waayo taasi waxay keenaysaa shirki.
Arinkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, si uu u cadeeyo inuu yahay Adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayn in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u cadeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 167) (3445).
عمدة القاري شرح صحيح البخاري، محمود بن أحمد بدر الدين العيني (16/ 37).
فتح الباري، لابن حجر (6/ 490).
منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، حمزة محمد قاسم (4/ 208).
عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قال: قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم كَلِمَةً وَقُلْتُ أُخْرَى، قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم: «مَنْ مَاتَ وَهُوَ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ نِدًّا دَخَلَ النَّارَ» وَقُلْتُ أَنَا: مَنْ مَاتَ وَهُوَ لَا يَدْعُو لِلهِ نِدًّا دَخَلَ الْجَنَّةَ.
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon baryeyn cid aan Ilaahay ahayn Janaduu gelayaa.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu inoo sheegay in Qofkii u leexiya Cibaado Ilaahay leeyahay cid isaga qayrki ah, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cidaan Ilaahay ahayn oo loo qayshado, ee sidaa ku dhinto Naarta ayuu gelayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa Janada.
Faa’iidooyin
Ducadu waa cibaado, mana loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn.
Xadiiska waxaa ku sugan FadligaTowxiidka, iyo qofkii ku dhinta Towxiidka inuu Janada gelayo, xataa hadii lagu ciqaabo danbiyadiisa qaarkood.
Xadiiska waxaa ku sugan khatarta Shikiga iyo in qofka ku dhinta Naarta gelayo.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 23) (4497).
صحيح مسلم (1/ 94) (92).
فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص76).
القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 120).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص47).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص59).
التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص42).
عن عبد الله بن مسعود قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «هَلَكَ الْمُتَنَطِّعُون» قالها ثلاثًا.
Cabulaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri : "Way halaagsameen kuwa Diinta isku adkeeya" seddex jeer ayuu yiri.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay guul darada iyo khasaaraha ku dhacaya kuwa Diinta isku adkeeya iyagoo toosnaan iyo cilmi ku socon Diintooda iyo Aduunyadoodaba, iyo hadalkooda iyo ficilkoodaba, kuwaasoo dhaafay xadka Sharciga ah ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la yimid.
Faa’iidooyin
Waxaa la xarimay in la isku adadkeeyo oo la isku kalifo arin walba, waxaana la isku booriyey in isku adkayta laga fogeeyo arin walba, gaar ahaana arimaha cibaadada iyo waynaynta saalixiinta.
Anas Binu Maalik -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Majirto is qaadsiini, majiro baaseysi, waxaanan jeclahay in wanaag la fisho", wuxuu yiri-Anas- waxaa lagu yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waa maxay wanaag la fisho?, wuxuu yiri: "waa hadalka wanaagsan."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay faafitaanka cudurada ay aaminsanaayeen dadkii jaahiliyadu in cudurku iskiis ugu gudbo qof kale oo qadar Ilaahay aanu jirin inay taasi baadil tahay. Baasaysiguna uu baadil yahay, waana in qofku wax uun sharaysto yacni shay uu maqlay ha ahaado ama shay uu arkaye, sida shinbirta ama xayawaan ama dad naafo ah ama lambaro ama maalmo iyo wixii la mida Wuxuu shimbiraha u xusay waxay ahaayeen shimbiruhu waxa ugu caansan ee la baasaysto waqtigii jaahiliyada, asal ahaana waa in shimbiraha la duuliyo marka hawl loo kacayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, hadii shimbirku u duulo xaga midigta wanaag ayuu filanayaa wuuna ku dhaqaaqayaa wuxuu rabay, haduuse u duulo xaga bidix wuu shareysan wuuna ka joogin wuxuu rabay. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu jecel yahay filashada wanaaga, oo ah warka qofka farxada iyo rayrayn geliya taaso ka timid kalimad fiican oo uu maqlay, oo ka dhigaysa in qofku rabigi male fiican ka fisho.
Faa’iidooyin
Waa in qofku Ilaahay talo saarto, oo uu aamino in Ilaahay mooyee inaysan cid kale khayr u keeni karin, sharkana Ilaahay maahee cid kale aysan ka celin karin.
Waa la reebay shimir baasaysiga, waana waxa qofku sharaysto una diida inuu shaqo qabto.
Malaha wanaagsani kuma jiro sharaysiga la reebay, balse waa filasho wanaagsan oo Ilaahay male fiican laga malaysto.
Wax walba waxay ku dhacaan qadarida Ilaahay casa wajala, waa kaligi cid wax la wadaagtana ma jirto.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 135) (5756).
صحيح مسلم (4/ 1746) (2224).
فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص310).
القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 570).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص230).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص255).
التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص333).