U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona

عن طارق بن أشيم الأشجعي رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ قَالَ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَكَفَرَ بِمَا يُعْبَدُ مِنْ دُونِ اللهِ حَرُمَ مَالُهُ وَدَمُهُ، وَحِسَابُهُ عَلَى اللهِ».
Daariq Binu Ashiim Alashjaci Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka dhaha: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee ku gaalooba wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo Ilaahay wuu xarimay maalkiisa iyo dhiigiisaba, Ilaahay ayaana xisaabin doona".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka dhaha ee carabkiisa kaga dhawaaqa: "laa ilaaha illa-llaah", yacni: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, ee ku kufriya waxa Ilaahay sokadii la caabudo, kana bari noqda Diimaha oo dhan, Islaamka mooyee, Ilaahay wuu ka xarimaa Muslimiinta Maalkiisa iyo Dhiigiisa, camalkiisa muuqda mooyaa wax kale kuma lihin, maalkiisa laga qaadi maayo, dhiigiisana la daadin maayo, inuu Danbi ama Jariimo galo ay waajibto in Dhiigiisa la daadiyo iyado axkaanta Islaamka waafaqsan mooyee. Ilaahay baana maamulaya xisaabtiisa Maalinta Qiyaame, hadduu runlow ahaa isagaa ka ajar siin, hadduu munaafaq noqdana isagaa cadaabin.

Faa’iidooyin
  1. Ku dhawaaqida Laa Ilaaha Ilaa Allaah, iyo in lagu gaaloobo wax kastoo Ilaahay sokadii la caabudo, shardi ayey u tahay soo galida Islaamka.
  2. Macnaha (laa Ilaaha iIaa Allaah) waa ku gaaloobida wax kastoo Ilaahay sokodi la caabudo, sida Sanamyada, Qabuurta, iyo qayrkood, iyo in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada.
  3. Qofka la yimaadda Tawxiidka una hogaansama Shareecada Islaamka si muuqata, waxaa waajib ah in la amaan siiyo, ilaa ku cadaato wax arinkaa khilaafsan.
  4. Waa xaaraan Muslimka, Maalkiisa, Dhiigiisa, Cirdigiisa, inuu xaq galo mooyee.
  5. Aduunka inta la joogo dadka waxa lagu xukumayaa wixii laga arko ee ay ficilkooda ku muujiyaan, Aakhirona Ilaahay wayne niyadooda iyo qasdigooda ayuu kula xisaabtamin.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 53) (23). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص68). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص77).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com