U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka dadka ugu mudan shafaacadeyda Naalinta Qiyaame, waa Qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa Ilaaha ilaa Allaah

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: قِيلَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَنْ أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِكَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ؟ قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَقَدْ ظَنَنْتُ يَا أَبَا هُرَيْرَةَ أَنْ لَا يَسْأَلَنِي عَنْ هَذَا الْحَدِيثِ أَحَدٌ أَوَّلُ مِنْكَ؛ لِمَا رَأَيْتُ مِنْ حِرْصِكَ عَلَى الْحَدِيثِ، أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ، مَنْ قَالَ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ خَالِصًا مِنْ قَلْبِهِ أَوْ نَفْسِهِ»».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: Rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada Maalinta Qiyaame? wuxuu yiri Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "waxaan filayey Abaa Hureyrow inaanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid Xadiiska, Qofka dadka ugu mudan shafaacadeyda Naalinta Qiyaame, waa Qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa Ilaaha ilaa Allaah".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa Maalinta Qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: "Laa Ilaaha Ilaa Allah" majiro Ilaah xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ay sugan tahay shafeecadiisa Aakhiro, iyadoo khaas ku ah Muwaxidiinta.
  2. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya Qofka Naartu u waajibtay inuusan Naarta galin, Qokii Naarta galayna uu shafeecada kaga soo boxo Naarta.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay kalimada Tawxiidku iyadoo Ilaahay loo khaalis yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
  4. Kalimada Tawxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
  5. Xadiiska waxaa ku cad Fadliga Abii Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo siduu Cilmiga ugu dadaali jirey.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 31) (99). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة محمد قاسم (1/ 197). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 343).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com