U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa

عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قال: قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم كَلِمَةً وَقُلْتُ أُخْرَى، قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم: «مَنْ مَاتَ وَهُوَ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ نِدًّا دَخَلَ النَّارَ» وَقُلْتُ أَنَا: مَنْ مَاتَ وَهُوَ لَا يَدْعُو لِلهِ نِدًّا دَخَلَ الْجَنَّةَ.
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon baryeyn cid aan Ilaahay ahayn Janaduu gelayaa.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu inoo sheegay in Qofkii u leexiya Cibaado Ilaahay leeyahay cid isaga qayrki ah, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cidaan Ilaahay ahayn oo loo qayshado, ee sidaa ku dhinto Naarta ayuu gelayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa Janada.

Faa’iidooyin
  1. Ducadu waa cibaado, mana loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan FadligaTowxiidka, iyo qofkii ku dhinta Towxiidka inuu Janada gelayo, xataa hadii lagu ciqaabo danbiyadiisa qaarkood.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan khatarta Shikiga iyo in qofka ku dhinta Naarta gelayo.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 23) (4497). صحيح مسلم (1/ 94) (92). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص76). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 120). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص47). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص59). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص42).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com