U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa

عَن عُمَرَ بنِ الخَطَّابِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قال: سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «لَا تُطْرُونِي كَمَا أَطْرَتِ النَّصَارَى ابْنَ مَرْيَمَ؛ فَإِنَّمَا أَنَا عَبْدُهُ، فَقُولُوا: عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ».
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ha ku xad gudbina amaantayda siday ugu xad gudubtay Nasaaradu Ibnu Maryam, anigu waxaan ahay adoon Ilaahay ee i dhaha adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in xadka sharciga ah la dhaafiyo amaantiisa oo lagu sifeeyo sifaadka Ilaahay iyo ficilka Ilaahay u gaarka ah, ama in lagu sheego inuu og yahay qaybka, ama Ilaahay lala baryo, sida ay nasaaradu ku samaysay Ciise Ibnu Maryam nabadi korkiisa ha ahaatee. Ka dib wuxuu cadeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, wuxuuna faray inaan isaga ku niraahno: Adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laga digayaa in la dhaafo xadka sharciga ah ee weyneynta iyo amaanta, waayo taasi waxay keenaysaa shirki.
  2. Arinkii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka digay way ku dhacaday ummaddani, oo qolo waxay ku xad gudubtay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qolona waxay ku xad gudubtay Aalu Baytka, qolona waxay ku xad gudubtay owliyada Ilaahay, markaasay ku dheceen shirki.
  3. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu naftiisa ku sifeeyey inuu yahay Adoon Ilaahay, si uu u cadeeyo inuu yahay Adoon Ilaahay Rabi u yahay, oo aysan banaanayn in la siiyo wax Ilaahay u gaara.
  4. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku sifeeyey naftiisa inuu Rasuul Ilaahay yahay, si uu u cadeeyo in xaga Ilaahay laga soo diray oo ay waajib tahay rumayntiisu iyo raacidiisu.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 167) (3445). عمدة القاري شرح صحيح البخاري، محمود بن أحمد بدر الدين العيني (16/ 37). فتح الباري، لابن حجر (6/ 490). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، حمزة محمد قاسم (4/ 208).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com