عَنْ أَبِي مُسْلِمٍ الْخَوْلَانِيِّ، قَالَ: حَدَّثَنِي الْحَبِيبُ الْأَمِينُ، أَمَّا هُوَ فَحَبِيبٌ إِلَيَّ، وَأَمَّا هُوَ عِنْدِي فَأَمِينٌ، عَوْفُ بْنُ مَالِكٍ الْأَشْجَعِيُّ رضي الله عنه قَالَ: كُنَّا عِنْدَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، تِسْعَةً أَوْ ثَمَانِيَةً أَوْ سَبْعَةً، فَقَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» وَكُنَّا حَدِيثَ عَهْدٍ بِبَيْعَةٍ، فَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» فَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، ثُمَّ قَالَ: «أَلَا تُبَايِعُونَ رَسُولَ اللهِ؟» قَالَ: فَبَسَطْنَا أَيْدِيَنَا وَقُلْنَا: قَدْ بَايَعْنَاكَ يَا رَسُولَ اللهِ، فَعَلَامَ نُبَايِعُكَ؟ قَالَ: «عَلَى أَنْ تَعْبُدُوا اللهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَالصَّلَوَاتِ الْخَمْسِ، وَتُطِيعُوا -وَأَسَرَّ كَلِمَةً خَفِيَّةً- وَلَا تَسْأَلُوا النَّاسَ شَيْئًا» فَلَقَدْ رَأَيْتُ بَعْضَ أُولَئِكَ النَّفَرِ يَسْقُطُ سَوْطُ أَحَدِهِمْ، فَمَا يَسْأَلُ أَحَدًا يُنَاوِلُهُ إِيَّاهُ.
Abii Muslim Alkhawlaani waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaa ii waramay Xabiibkii Aaminka ahaa, isgu waa midaan jeclahay, oo isagu waa ka aamin xagayga, Cawf Binu Maalik Alashjaciye-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la joognay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee anagoo sagaal ama sideed ama todoba ah, wuxuuna yiri: " miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" waxaan ahayn kuwo ku cusub baycada, waxaan niri: waanu kula mubaayacoonay Rasuulka Ilaahayow, ka dib wuxuu yiri: "miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" wuxuu yiri: gacmahayagaan fidinay, waxaana aan niri: waan kula mubaayacoonay Rasuul Ilaahayow, ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina" xaqiiqo ahaan waxaan arkay kuwaa qaarkood oo markuu jeedalku ka dhoco aan waydiisanayn qof u soo dhiiba.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo la jooga qaar asxaabtiisa ka mida ayuu waydiiyey sadex jeer inay la mubaayacoodaan oo balan kula galaan inay dhawr arimood ku dhaganaadaan.
mida 1aad: inay Ilaahay kaligi ay caabudaan, iyagoo u hogaan samaya amaradiisa, kana fogaanaya wixii uu ka reebay, cid kalena cibaadadiisa aanay la wadaajin.
mida 2aad: inay oogaan salaadaha shanta ah, ee Ilaahay faral yeelay maalinta iyo habeenka.
mida 3aad: In la maqlo oo wanaaga lagu adeeco qofka loo dhiibo talada Muslimiinta.
mida 4aad: baahidooda oo ay Ilaahay keligi u sheegtaan, oo aanay dadka waxba waydiisan, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-codkiisa hoos ayuu u dhigay.
wayna ku camal faleen asaxaabtu wixii ay Nabiga kula mubaayacoodeen, ilaa uu raawiga xadiisku yiri: waxaan arkay asaxaabtii uu Nabigu scw la mubaayacooday oo haduu midkood jeedalku ka dhoco aan cidna waydiisanayn inay u soo qaadaan, ee isagu soo dagayo oo qaadanayo jeedalkiisa.
Faa’iidooyin
- waxaa dadka lagu boorinayaa inay ka iska daayaan baryada dadka, iyo in dadka wax waydiintooda laga kaaftoomo xataa wax yarba ha ahaatee.
- Su'aasha la reebay waa mida ku saabsan: arin aduunyo, oo su'aashu makhusayso wixii diin iyo aqoon kororsi ah.
Tixraac
صحيح مسلم (2/ 721) (1043).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (1/ 588).
نزهة المتقين، مجموعة من الباحثين (1/ 463).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com