Rasuulka Ilaahay ayaa u baxay xaga Xuneyn: waana tog u dhexeeya daa'if iyo makah, waxaana la socday asaxaabta qaarkood, oo diinta islaamka ku cusbaa waqtigaa, waxay siimareen geed la oran jiray: '' daatu Anwaad '' oo maceheedu ahaa geedkii meelaha wax la surto lahaa, kaasoo gaaladu ay weyneyn jireen oo ay hubkooda iyo wax kaleba suran jireen iyagoo barakaysanaya. Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxay waydiisteen inuu u sameeyo geed kaasoo kale ah oo ay hubkooda surtaan oo ay barakaystaan waxayna u maleeyeen in arinkaasi banaan yahay. Wuu ka subxaanallaystay Nabigu csw hadalka ka soo yeeray asaxaabta, isagoo aad u diiday hadalkaas Ilaahayna weyneynaya, wuxuuna u sheegay in hadalkaasi la mid yahay hadalkii qaladii Nabi Muuse loodiray ay ku dheheen muuse: {Noo samee Ilaah sida kuwaasba ay u samaysteen Ilaah }, markay arkeen kuwo sanamyo caabudaya, ayey dalbadeen in iyagana sanamyo loo sameeyo, sidaasina waa raacitaan la raacayo wadada Mushrikiinta. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay inay ummaddani raaci doonto wadadii Yuhuuda iyo Nasaaradu mareen oo ay samayn doonto ficilkoodii isagoo ka digaya arinkaas.
- Dadka shay ayaa la fiicnaada ay u malaynayaan inuu Ilaahay u dhawaynaayo waana shay Ilaahay ka fogaynaaya.
- waxaa la gudboon qofka muslimka inuu tasbiixsado oo takbiirsado markuu maqlo wax aan haboonayn in diinta laga sheego, iyo markuu wax la yaabo.
- shirkiga waxaa ka mida barakaysiga geedaha iyo dhagaxda iyo wixii la mida, barakadana Ilaahay weyne keligi ayaa la weydiistaa.
- Sababta loo caabudo sanamka waa waynaynteeda iyo in la dul fadhiyo lana barakaysto.
- Waa waajib in la xiro albaabada iyo wadooyika dadka gaarsiinaya shirkiga.
- Nusuusta sheegaysa xumaanta Yuhuuda iyo Nasaarada waa mid inaga la inoogu digaayo.
- Waxaa la reebay in la isu ekeysiiyo dadka Jaahiliga ah iyo Yuhuuda iyo Nasaarada, wixii daliilku cadeeyey inay diinteena ka mid yihiin mooyee.
سنن الترمذي (4/ 49) (2180). مسند أحمد (36/ 225) (21897). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص101). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص91). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 201).