Nin ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna kala hadlay arin uu rabay, ka dibna wuxuu yiri: ''waxa Ilaahay doono adna aad doontid'', Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee, wuu ku diiday wuxuuna u sheegay in doonista Ilaahay oo lagu xiriiriyo doonista makhluuqa oo loo dhaxaysiiyo xarafka waaw ay tahay shirkiga yar, oo aysan u banaanayn qof muslim ah inuu ku hadlo. Nabigu scw ka dib wuuu u sheegay hadalka xaqa ah kaasoo ah: ''maashaa Allaah waxdahu'', oo doonista Ilaahay waa kali yeelayaa oo doonis cid kalae lagu xiririn maayo nooc ay tahayba.
- Waxaa la reebey hadalka: waxa Ilaahay doono adna aad doontid, iyo hadalada la midka ah, ee Ilaahay rabitaankiisa lagu dhafayo tan adoonka iyado loo dhaxaysiinayo xarafka waaw, waayo waa shirki yar.
- Waa waajib in la diido munkar ka.
- Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo abadi orkiisa ha ahaate- wuu ilaaliyey towxiidka xuduudiisa, wuxuuna awday jidka shirkiga.
- Marka la diido waxa munkarka ah waxaa fiican in qofka la tuso wax fiican oo badal ah, iyado lagu dayanayo Nabiga scw.
- Waxaa lagu midaynayaa hadalka Nabiga scw -ee ku soo arooray xadiiskan ee ah: "waxa Ilaahay doono kaligi", iyo hadalkiisa kale ee ku soo arooray xadiis kale ee ah: "dheh: waxa Ilaahay doono ka dibna aad doontid", hadalka qofka ee ah: "Waxa Ilaahay doono ka dibna adigu doontid" waa hadal banaan, laakiin hadalka Nabiga ee ah: "waxa Ilaahay uu doono kaligi" ayaa ka fadli badan.
- Wuu banaan yahay inaad dhahdo: "waxa Ilaahay doono ka dibna aad doontid" laakiin waxaa ka fadli badan hadalka ah: "maa shaa Allaah kaligi".
السنن الكبرى للنسائي (9/ 362) (10759). سنن ابن ماجه (3/ 252) (2117). مسند أحمد (5/ 297) (3247). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص373). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص335). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 230).