U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin

عن أبي الهيَّاج الأسدي قال: قَالَ لِي ‌عَلِيُّ بْنُ أَبِي طَالِبٍ: أَلَا أَبْعَثُكَ عَلَى مَا بَعَثَنِي عَلَيْهِ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ؟ أَنْ لَا تَدَعَ تِمْثَالًا إِلَّا طَمَسْتَهُ، وَلَا قَبْرًا مُشْرِفًا إِلَّا سَوَّيْتَهُ.
Abii Hayaaj Alasdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Cali Binu Abii Daalib ayaa igu dhahay: ma kuu diraa wuxuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii diray? inaadan dhaafin Sanam aad burburiso iyo Qabri la dhisay oo aadan dhulka la simin.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Asxaabta u diri jiray inaysan ka tagin wax sanam ah, waana sawirka wax nool oo jurmi leh ama wax aan jurmi lahayn ee ay burburiyaan oo tirtiraan. Iyo inaysan dhaafin qabri kor loo dheereeyey ilaa ay dhulka la simaan, wixii laga dul dhisayna ay dumiyaan, ama ay ka dhigaan mid siman oo aan dhulka ka sarayn wax badan balse ka sareeya wax taako dhan.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan in la sawiro wixii noole ah, waayo wwuxuu ka mid yahay wax yaabaha shirkiga keena.
  2. Waa sharci in munkarka gacan uu ku bedelo qofka masuulka ahi ama awood u leh.
  3. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dadaalay baabi'inta shay walba oo ku tusaaya raadkii jaahiliyada, sida sawirada, asnaamta, dhismaha qubuurta laga dhisay.
Tixraac

صحيح مسلم (2/ 666) (969). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 446). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص402). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص447). كتاب التوحيد، للإمام محمد بن عبد الوهاب (ص138).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com