U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa)

عن أبي بَشير الأنصاري رضي الله عنه: أَنَّهُ كَانَ مَعَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِي بَعْضِ أَسْفَارِهِ، قَالَ: فَأَرْسَلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَسُولًا -وَالنَّاسُ فِي مَبِيتِهِمْ-: «لَا يَبْقَيَنَّ فِي رَقَبَةِ بَعِيرٍ قِلَادَةٌ مِنْ وَتَرٍ أَوْ قِلَادَةٌ إِلَّا قُطِعَتْ».
Abii Bashiir Al-ansaari-Allaha ka raali ahaade: Wuxuu la socday Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee safaradiisa qaarkood, wuxuuna yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: of ayuu diray, dadkii oo jooga halkii la dagay -:( yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa).
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu jirey safaradiisii mid ka mid ah, dadkuna waxay ku sugnaayeen meeshii ay dageen iyo tendhooyinkooda, qof buuna u diray dadka -si uu fariin ugu sheego- taasoo ah: in laga wada jaro wax yaabaha qardhaasaha ah ee awrta qoorta loogu xiray, ha ahaado xadhig, ama waxkale sida koorta ama kabaha, waayo waxaasay u xiri jireen, cabsi ay ka qabeen isha darteed, waxaana la amaray inay ka jaraan xoolaha waxaa, waayo wax ay ka difaaci kartaan jirin, wax tarka iyo wax yeelladuba gacanta Ilaahay bay ku jiraan, kaligi cid la wadaagta ma jirto.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan in lagu lulo xarko iyo kuulo si ay nafac ugu keenaan ama dhib uga celiyaan, waayo waxaasi shirkiga ayey ka mid yihiin.
  2. Waxaa waajib ah in xumaanta la joojiyo-oo laga hortago qof walba inta awoodiisa ah.
  3. Waa waajib in qalbiga lagu xidho Ilaahay kaligii, Ilaahay malaha wax shariig ah.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 59) (3005). صحيح مسلم (3/ 1672) (2115). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 179). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص77). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص89).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Ilaahnimada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com