Caa'isha iyo Cabdullaahi Binu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxay inoo sheegeen in markii Rasuulka Ilahahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ku dhacay sakaraadku, inuu bilaabay inuu wajiga iska saaro maro, marka neeftu ku dhagto sakaraadka awgii uu iska qaadayey, wuxuuna dhahayey isagoo xaaladaa adag ku jira: Allaha lacnado Yuhuud iyo Nasaaro oo ha ka fogeeyo naxariistiisa, sababtoo ah waxay ka dul dhiseen qubuuraha Nabiyadooda Masaajid, haduuna arinkaasi khatar weyn ahayn Nabiga oo xaalad sakaraad taagan muuna sooqaadeen, sidaa darteed wuxuu ka reebay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ummaddiisa inay sidasoo kale la yimaadaan oo ay u ekaadaan Yuhuuda iyo Nasaarada, waayo waa ficil Yuhuud iyo Nasaaro ay ku tilmaaman yihiin, waana wax u jiidi kara Qofka inuu Ilaahay u shariig yeelo.
- Waa la reebay in laga yeesho qubuuraha Nabiyada iyo saalixiinta masaajid lagu tukado, waayo ariinkaasi wuxuu horseedayaa shirki.
- Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahmiyad wayn siiyey ilaalinta tawxiidka, iyo cabsida uu ka qabay waynaynta qubuuraha, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa Ilaahay oo loo shariig yeelo.
- Waa banaan tahay in la lacnado Yuhuuda iyo Nasaarada iyo cid kastoo samaysa waxay sameeyaan ee ah qabuuraha oo laga dhiso, Masaajid.
- Dhisida qubuuruhu waa dhaqan Yuhuud iyo Nsaaro, xadiiskaana waxaa ku jira inay reeban tahay isku ekaysiintoodu.
- In looga ekaado in qabuurta laga dhigo Masaajid lagu tukado ama xageeda loo tukado hadii aan xataa Masjid laga dhisin.
صحيح البخاري (1/ 95) (435)، (2/ 102) (1390). صحيح مسلم (1/ 377) (531)، (1/ 376) (529). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للشيخ صالح الفوزان (ص170). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد بن عبد العزيز السليمان القرعاوي (ص185).