Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada, iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa Muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.
- Xadiiska waxaa ku sug cadaynta xaqa Ilaahay kuwaajibiyey Adoomadiisa, kaaso ah inay caabudaan oo aanay cidna ugu shariig yeelin.
- Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu Janada geliyo oo aanu cadaabin.
- Xadiiskaan waxaa ku jira bishaaro weyn oo ay leeyihiin Muwaxidiinta aan Ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay Janada gelayaan.
- Mucaad wuxuu Xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, isago ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta Cilmiga.
- Xadiiska waxaa ku sugan baraarujin inaan dadka qaarki lagu dhex faafin Axaadiista qaarkeed, iyadoo laga baqayo in Qof macnahooda fahmi waayo, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn Xad Xuduuda Shareecada ka mida.
- Dadka Muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan Ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
صحيح البخاري (4/ 29) (2856)، صحيح مسلم (1/ 58) (30)، المحكم لابن سيده (10/26)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 203)، فتح الباري (11/340، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (1/ 623)، (1/ 627)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (14/ 148).