U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee

عَنْ عُبَادَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَنْ شَهِدَ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَأَنَّ عِيسَى عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ وَكَلِمَتُهُ أَلْقَاهَا إِلَى مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِنْهُ، وَالْجَنَّةُ حَقٌّ، وَالنَّارُ حَقٌّ، أَدْخَلَهُ اللهُ الْجَنَّةَ عَلَى مَا كَانَ مِنَ الْعَمَلِ».
Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- waxaa la wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, ee aan Ilaahay ahayn kaligiisna ah ee aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamed adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falaya waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamed iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.

Faa’iidooyin
  1. Ilaahay koreeyee, wuxuu Ciise Ibinu maryam ku abuuray kalimadiisa uu yiri: (kun) ahow, aabo la'aan.
  2. Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamed-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul ee laahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon aanna la caabudayn.
  3. Fadliga uu leeyahay towxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 165) (3435). صحيح مسلم (1/ 57) (28). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص25). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص36).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Ilaahay casa wajala oo la rumeeyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com