U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَا يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ، وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina ".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn Sawirada dadka iyo Jirkoodu, inay Quruxsan yahay ama Fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo Hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtooda iyo waxa ku jira ee Taqwo, Yaqiin, Run, iyo Ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.

Faa’iidooyin
  1. Waa in Qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
  2. Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa Ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
  3. Qofku yaanu ku kadsoomin Xoolahiisa, Quruxdiisa, Jirkiisa iyo Shay walba oo ka mida Quruxda Aduunka.
  4. Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".
Tixraac

صحيح مسلم (2564) (4/ 1986). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 40). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص14). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 25).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com