U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi

عن ابن عباس رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فِيمَا يَرْوِي عَنْ رَبِّهِ عَزَّ وَجَلَّ قَالَ: قَالَ: «إِنَّ اللهَ كَتَبَ الْحَسَنَاتِ وَالسَّيِّئَاتِ، ثُمَّ بَيَّنَ ذَلِكَ، فَمَنْ هَمَّ بِحَسَنَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ عَشْرَ حَسَنَاتٍ إِلَى سَبْعِمِائَةِ ضِعْفٍ، إِلَى أَضْعَافٍ كَثِيرَةٍ، وَمَنْ هَمَّ بِسَيِّئَةٍ فَلَمْ يَعْمَلْهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ عِنْدَهُ حَسَنَةً كَامِلَةً، فَإِنْ هُوَ هَمَّ بِهَا فَعَمِلَهَا كَتَبَهَا اللهُ لَهُ سَيِّئَةً وَاحِدَةً».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay qadaray Xasanaadka iyo Dambiyada ka dibna uu u cadeeyey laba Malag siday u qori lahaayeen. Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu Xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal Xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa Todoba Boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas Qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida. Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa Xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal Dambi.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadayn Ilaahay fadligiisa weyn ee uu Ummaddaan siiyey isago Xasanaatka u laalaabay oo agtiisa ugu qoray, oo uusan u laalaabin Dambiyada.
  2. Niyadu ahmiyad iyo saamayn ayey ku leedahay camalka.
  3. Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in Qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo Xasano.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 103) (6491). صحيح مسلم (1/ 118) (131). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص85). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص368). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص125). فتح الباري، لابن حجر (11/ 324).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Towxiidka Magacyada iyo Sifooyinka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com