U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay waa jecel yahay Adoonka taqiga ah oo qaniga ah ee qarsoon

عن سعد بن أبي وقاص رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْعَبْدَ التَّقِيَّ الْغَنِيَّ الْخَفِيَّ».
Sacad Binu Abii Waqaas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ilaahay waa jecel yahay Adoonka taqiga ah oo qaniga ah ee qarsoon".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay casa wajala Adoomadiisa uu qaar jecel yahay. Waxaa ka mida kan taqiga ah: ee amarka Ilaahay ku taagan, kana fogaada wixii Ilaahay ka reebay. wuxuu jecel yahay kan qaniga ah: waa kan Ilaahay casa wajala kaga kaaftooma dadka oo Ilaahay mooyee aan cid kale eegayn. Ilaahay wuxuu jecel yahay kan qarsoon: ee tawaaduca ee rabigi caabuda oo ka shaqeeya wixii isaga anfacaaya, kaaso aan ahmiyad siinin in qofna barto ama la sheeg sheego oo la amaano.

Faa’iidooyin
  1. waxaa la cadeeyey qaar ka mida sifaadka keenaya in Ilaahay jeclaado adoomadiisa, sida taqwada, tawaaduca iyo in lagu raali ahaado wixii Ilaahay siiyey.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2277) (2965). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 651). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين. نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 509). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 509). شرح النووي على مسلم (18/ 100).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com