عن أبي الدرداء رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».
Abii Dardaa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha."
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka difaaca Sharafta Walaalkiisa Muslimka ah markuu maqan yahay, isagoo u diidaya in lacaayo oo la xumeeyo, Qofkaa Wajigiisa Ilaahay waa ka Ilaaliyaa cadaabka Maalinta Aakhiro.
Faa’iidooyin
- Waxaa la reebay in wax laga sheego Cirdiga Muslimiinta.
- Abaal marintu waa nooca camalku yahay, Qofka Cirdiga Walaalkiisa Muslimka ah difaaca isagana Ilaahay baa Naarta ka celiya.
- Islaamku waa diin Walaaltinimo faraysana Muslimiintu inay xaqa isugu hiiliyaan.
Tixraac
سنن الترمذي (3/ 488) (1931).
مسند أحمد (45/ 528) (27543).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 499).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 349).
فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 437).
سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 692).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Fadaa`isha iyo AadaabtaXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com