U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadaa`isha iyo Aadaabta

144 xadiis

Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول: «الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Faa’iidooyin
  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waaweyn.
  3. Danbiyada waaweyni waa dambiyada ay ku soo aroortay Xad Aduunka ah ama loogu goodiyey in Aakhiro la cadaabayo, ama Ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 209) (233). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 183). نزهة المتقين بشرح رياض الصالحين، لمصطفى سعيد الخن (1/ 158). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص108). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم بن عيد الهلالي (1/ 209).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame

عن خَولة الأنصاريةِ رضي الله عنها قالت: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ رِجَالًا يَتَخَوَّضُونَ فِي مَالِ اللهِ بِغَيْرِ حَقٍّ، فَلَهُمُ النَّارُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan Xoolaha Muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha Xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida Xoolaha Agoonta, Xoolaha Waqafka ah, iyo Amaanada oo la inkiro iyo in Xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in abaal marintoodu Naar tahay Maalinta Qiyaame.

Faa’iidooyin
  1. Xoolaha dadka Gacantooda ku jira waa Maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq Sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa Madaxda iyo qayrkood oo dadka Shacabka ah.
  2. Sharcigu waa adkeeyey Xoolaha dad waynaha, Qofkii Madax ka noqda wax ka mida Xoolaha dad waynaha Maalinta Qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
  3. Goodigaas waxaa soo galaya Qofka si qaldan u isticmaala Xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 85) (3118). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 372). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 231). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 424).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene

عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «لَا تَسُبُّوا الْأَمْوَاتَ، فَإِنَّهُمْ قَدْ أَفْضَوْا إِلَى مَا قَدَّمُوا».
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay inay xaaraan tahay cayda dadka dhintay.
  2. In la iska daayo cayda dadka dhintay waxaa ku jira ilaalinta danta dadka nool, iyo ka ilaalinta Bulshada cadaawadda iyo is nacaybka.
  3. Xikmadda loo reebeyo cayda dadka dhintay waa inay la kulmeen wixii ay hor marsadeen, caydooduna waxba matarayso, waxayna dhib ku tahay qaraabadooda nool.
  4. Ma haboona dadku inay ku hadlaan wax aan maslaxadi ku jirin.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 104) (1393). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 631). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (4/ 385). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (3/ 277).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta

عن أبي أيوب الأنصاري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «لَا يَحِلُّ لِرَجُلٍ أَنْ يَهْجُرَ أَخَاهُ فَوْقَ ثَلَاثِ لَيَالٍ، يَلْتَقِيَانِ، فَيُعْرِضُ هَذَا وَيُعْرِضُ هَذَا، وَخَيْرُهُمَا الَّذِي يَبْدَأُ بِالسَّلَامِ».
Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.

Faa’iidooyin
  1. Waxa loo baneeyey seddex Maalmood iyo wixii ka yar, iyado la tix galinayo dabeecadaha dadka, waxaana laga cafiyey gooynta seddex Beri ah si uu u dhamaado khilaafku.
  2. Fadliga salaantu leedahay, iyo inay tirtirayso wixii nafta ku jira, waxayna astaan u tahay is jeclaanta.
  3. Islaamku wuxuu ku dadaalay walaaltinimada iyo isku duubnaanta Muslimiinta u dhaxaysa.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 21) (6077). صحيح مسلم (4/ 1984) (2560). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 111). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 293). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 339).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Magalayo Janada Qofka gooya Qaraabada

عن جُبَير بن مُطْعِم رضي الله عنه أنه سمع النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ قَاطِعُ رَحِمٍ».
Jubeyr Binu Mudcim Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Magalayo Janada Qofka gooya Qaraabada."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Qaraabadiisa ka gooya waxay waajib ahaan ugu leeyihiin ee xuquuq ah, ama dhib iyo xumaan kula kaca, wuxuu mutaysanayaa inuusan Janada gelin.

Faa’iidooyin
  1. Qaraaba gonytu waa dambi dambiyada waa wayn ka mid ah.
  2. Qaraabo xiriirintu waa kolba sida Curfiga ah ee loo yaqaan, wayna kala duwan tahay sida ay u kala duwan yihiin Dhulka, waqtiga iyo dadku.
  3. Qaraabo xiriirintu waa in la is booqdo, Sadaqado la siiyo, in loo ixsaan falo , kan buka la booqdo, wanaaga la faro, xumaanta laga reebo, iyo wixii la mid ah.
  4. Mar kastoo Qaraabo gooytu tahay dadka sokeeyaha is ku ah dambigu waa ka sii adag yahay.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 1981) (2556). صحيح البخاري (8/ 5) (5984). شرح النووي على مسلم (16/ 113). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 90). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 277).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan

عن عائشة رضي الله عنها عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِنَّ أَبْغَضَ الرِّجَالِ إِلَى اللهِ الْأَلَدُّ الْخَصِمُ».
Caa'isha Allaha ka raali Ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay Isagaa sareeya oo nusqaan ka hufane uu u caroodo midka muranka iyo dooda badan, ee Gar maqaataha ah, ee xaqa inuu muran ku difaaco doonaya, ama xaqa ugu dooda si ka baxsan aadaabta iyo xadkii loo baneeyey oo cilmi daro ku dooda.

Faa’iidooyin
  1. Muranka xun ee la nacay masoo galayo oo kuma jiro dhibanaha xaqiisa u doodaya si sharciga waafaqsan.
  2. Muranka iyo dooddu waxay ka mid yihiin aafada carabka ee sababata kala taga iyo kala jeensiga Muslimiinta dhexdooda.
  3. Muranka iyo doodu waa wax wanaagsan hadii xaq lagu doodayo qaab wanaagsana loo doodayo, waana wax xun hadii xaq la isku hor taagayo baadilna lagu difaacayo, ama ay tahay mid xaq iyo cadayn aan lahayn
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 131) (2457). صحيح مسلم (4/ 2054) (2668). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 476). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 308). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 416). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 685).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha

عن أبي الدرداء رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».
Abii Dardaa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha."
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka difaaca Sharafta Walaalkiisa Muslimka ah markuu maqan yahay, isagoo u diidaya in lacaayo oo la xumeeyo, Qofkaa Wajigiisa Ilaahay waa ka Ilaaliyaa cadaabka Maalinta Aakhiro.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la reebay in wax laga sheego Cirdiga Muslimiinta.
  2. Abaal marintu waa nooca camalku yahay, Qofka Cirdiga Walaalkiisa Muslimka ah difaaca isagana Ilaahay baa Naarta ka celiya.
  3. Islaamku waa diin Walaaltinimo faraysana Muslimiintu inay xaqa isugu hiiliyaan.
Tixraac

سنن الترمذي (3/ 488) (1931). مسند أحمد (45/ 528) (27543). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 499). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 349). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 437). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 692).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey,

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللهِ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «اتَّقُوا الظُّلْمَ، فَإِنَّ الظُّلْمَ ظُلُمَاتٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، وَاتَّقُوا الشُّحَّ، فَإِنَّ الشُّحَّ أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ، حَمَلَهُمْ عَلَى أَنْ سَفَكُوا دِمَاءَهُمْ وَاسْتَحَلُّوا مَحَارِمَهُمْ».
Jaabir Binu Cabullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqiisa oo la dulmiyo, Dulmigu waa in laga tago in la siiyo mid walba oo xaq leh xaqiisa, dulmigu waa mugdiyo ay galayaan dadka sameeya dulmiga maalinta qiyaame, iyagoo la kulmidoona dhibaato adag iyo halaag. Waxa kale oo uu reebey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- bukhliga oo ah bakhaylnimada teeda ugu xun iyo ku dadaalideeda, waxaana ka mida ka gaabinta xuquuqda maalka saaran oo qofku ku bakhaylo iyo inuu aad ugu dadaalo aduunyo raadin. Dulmiga nuucaas ahi wuxuu halaagay ummaddihii inaga horeeyey, wuxuuna gaarsiiyey inay is laayaan oo ay xalaashadaan wixii Ilaahay ka xarimayn.

Faa’iidooyin
  1. Maalka oo la huro iyo walaalaha oo la wanaajiyo waa sababaha dadka is jacaylsiiya xiriirkana wanaajiya.
  2. Xoolo jacaylka iyo bukhligu waxay qofka u soo jiidaan macsida, fuxshiga, iyo dambiga.
  3. Waa in lagu cibro qaato xaalka ummaddihii hore.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 1996) (2578). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 484). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 614).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 9
9 xadiis
  1. Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta
  2. Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame
  3. Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene
  4. Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta
  5. Magalayo Janada Qofka gooya Qaraabada
  6. Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan
  7. Qofka difaaca Cirdiga iyo Sharafta Walaalki Ilaahay baa isna Wajigiisa Naarta ka difaaci Maalinta Qiyaamaha
  8. Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey,
  9. Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com