U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame

عن خَولة الأنصاريةِ رضي الله عنها قالت: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ رِجَالًا يَتَخَوَّضُونَ فِي مَالِ اللهِ بِغَيْرِ حَقٍّ، فَلَهُمُ النَّارُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ».
Khawla Alansaariya Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Rag ayaa si xaq daro ah ugu takri fala xoolaha Ilaahay, Naar ayey leeyihiin Maalinta Qiyaame."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dad si xaq daro ah ugu tagri falaan Xoolaha Muslimiinta, ku waasoo xaq daro ku qaadanaaya, waa arimaha Xoolaha guud ahaaneed sida aruurintooda, in laga kasbo meel aan banaanayn iyo in lagu bixiyo meel aan sax ahayn, taas waxaa soo galaya cunida Xoolaha Agoonta, Xoolaha Waqafka ah, iyo Amaanada oo la inkiro iyo in Xoolaha dad waynaha xaqdaro lagu qaato. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in abaal marintoodu Naar tahay Maalinta Qiyaame.

Faa’iidooyin
  1. Xoolaha dadka Gacantooda ku jira waa Maal Ilaahay, oo isagu u dhiibtay, si ay ugu bixiyaan dariiq Sharci ah, kana fogaadaan inay si qaldan u isticmaalaan, dadkoo dhan ayaa loo jeedaa Madaxda iyo qayrkood oo dadka Shacabka ah.
  2. Sharcigu waa adkeeyey Xoolaha dad waynaha, Qofkii Madax ka noqda wax ka mida Xoolaha dad waynaha Maalinta Qiyaame waa lagu xisaabin meeshuu ka keenay iyo meeshuu ku bixiyey.
  3. Goodigaas waxaa soo galaya Qofka si qaldan u isticmaala Xoolo ama kuwiis ha noqdeen ama kuwo qayrkiye.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 85) (3118). فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 372). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 231). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 424).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com