Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene
عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «لَا تَسُبُّوا الْأَمْوَاتَ، فَإِنَّهُمْ قَدْ أَفْضَوْا إِلَى مَا قَدَّمُوا».
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ha caayina dadka dhintay, way la kulmeen waxay hor marsadeene."
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inay xaaraan tahay in dadka dhintay la caayo iyo in sharaftooda wax laga sheego, taasina waa akhlaaq xumo, waayo waxay heleen waxay hor marsadeen ee acmaal fiican ama xun ahaa, caydaasina iyaga ma gaarayso ee waxay dhibaysaa kuwa nool.
In la iska daayo cayda dadka dhintay waxaa ku jira ilaalinta danta dadka nool, iyo ka ilaalinta Bulshada cadaawadda iyo is nacaybka.
Xikmadda loo reebeyo cayda dadka dhintay waa inay la kulmeen wixii ay hor marsadeen, caydooduna waxba matarayso, waxayna dhib ku tahay qaraabadooda nool.
Ma haboona dadku inay ku hadlaan wax aan maslaxadi ku jirin.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 104) (1393).
فتح ذي الجلال والاكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 631).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (4/ 385).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (3/ 277).