U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول: «الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Faa’iidooyin
  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waaweyn.
  3. Danbiyada waaweyni waa dambiyada ay ku soo aroortay Xad Aduunka ah ama loogu goodiyey in Aakhiro la cadaabayo, ama Ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 209) (233). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 183). نزهة المتقين بشرح رياض الصالحين، لمصطفى سعيد الخن (1/ 158). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص108). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم بن عيد الهلالي (1/ 209).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com