U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا: أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ الإِسْلاَمِ خَيْرٌ؟ قَالَ: «تُطْعِمُ الطَّعَامَ، وَتَقْرَأُ السَّلاَمَ عَلَى مَنْ عَرَفْتَ وَمَنْ لَمْ تَعْرِفْ».
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey: Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa la weydiiyey, Sifooyinka Islaamka kuwee ugu fadli badan? wuxuu sheegay labo sifo: Mida 1aad: in la badiyo quudinta Fuqarada, waxaana soo galaya Sadaqa, Hadiyada, Soorida, Casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan Abaaraha iyo sicir bararku. mida 2aad: waa inaad Salaanto Qof walba oo Muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.

Faa’iidooyin
  1. Asaxaabu waxay aad ugu dadaalayeen barashada dhaqanka wanaagsan ee anfacaya Aduun iyo Aakhiraba.
  2. Salaanta iyo Cunto siintu waa acmaasha ugu fadliga badan Islaamka, waana fadli badnaanteeda iyo baahida dadku ay u qabaan waqti walaba.
  3. Labadaa Sifo waxaa ku kulmay ixsaankii oo hadal iyo ficilba ah, waana ixsaanka ugu kaamilsan.
  4. Sifooyinkaani waxay ku saabsan yihiin tacaamulka Muslimiinta dhexdooda, waxaase jira Sifooyin kale oo ku saabsan Adoonka oo la tacaamulaya Rabigi.
  5. Salaanta oo aad Qofka ku bilawdo waxay gaar u tahay Muslimiinta dhexdooda, gaalse salaan laguma bilaabo.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 12) (12). صحيح مسلم (1/ 65) (39). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 604). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (7/ 2936).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com