U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Allaha u naxariisto nin wanaag badan haduu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba

عن جابر رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «رَحِمَ اللهُ رَجُلًا سَمْحًا إِذَا بَاعَ، وَإِذَا اشْتَرَى، وَإِذَا اقْتَضَى».
Jaabir Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Allaha u naxariisto nin wanaag badan haduu wax iibinaayo, haduu wax soo gadanaayo, iyo haduu gar naqsanaayoba".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu Raxmad ugu duceeyey Qof kastoo Sahlan oo Deeqsiya oo Sakhi ah markuu wax iibinaayo. Kuma adkeeyo sicirka Qofka wax ka iibsanaya, wuxuuna kula dhaqmaa akhlaaq fiican. waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah oo markuu wax iibsanayo ma bakhso mana yareeyo qiimaha Badeecada. Waa Qof Sahlan oo Deeqsi ah oo Sakhi ah markuu dayntiisa, waydiisanayo, kuma adkeeyo Faqiirka iyo kan Baahan, balse wuxuu u waydiiyaa si fudud oo naxariisi ku jirto, wuuna ka sugaa kaan haysan.

Faa’iidooyin
  1. Ujeedooyinka Shareecada Islaamka waxaa ka mid ah: ilaalinta danaha wanaagsan iyo xiriirka u dhexeeya dadka.
  2. waxaa la is jeclaysiinayaa in dadka lagula dhaqmo akhlaaqda sare marka wax la kala iibsanayo iyo marka wax la soo iibsanaayo iyo wixii la midaba.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 57) (2076). نزهة المتقين (2/ 944). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (16/ 386). منار القاري، لحمزة محمد قاسم (3/ 258). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 405).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com