Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee Janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah: Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan. Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay. Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo. Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah: Carabka iyo Farjiga. Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah. Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.
- Galitaanka Janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
- Khatarta Carabku u leeyahay Qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta Naarta lagu galo.
- Khatarta Shahawaadka iyo Fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee Naarta lagu galo.
سنن الترمذي (3/ 536) (2004). سنن ابن ماجه (5/ 318) (4246). مسند أحمد (13/ 287) (7907). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 509). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 369). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 453). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 696).