U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xishoodku iimaankuu ka mid yahay

عن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما قال: سَمِعَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلًا يَعِظُ أَخَاهُ فِي الْحَيَاءِ، فَقَالَ: «الْحَيَاءُ مِنَ الْإِيمَانِ».
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin ka waaninaaya Walaalkii Xishoodka, wuxuuna ku yiri: " "Xishoodku iimaankuu ka mid yahay ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin Walaalkii ku waaninaaya inuu ka tago Xishoodka badan! wuxuuna u cadeeyey Nabigu inuu Xishoodku iimaanka ka mid yahay, waxaan khayr ahayna ma keenayo. Xishoodkuna waa akhlaaqda ku bixinaysa Qofka inuu wanaaga sameeyo oo xumaanta ka tago.

Faa’iidooyin
  1. Wixii khayrka kuu diida laguma magacaabo Xishood, balse waxaa lagu magacaabaa Khajilaad, Caajisnimo, Daciifnimo iyo Fulaynimo.
  2. Ilaahay Casa Wajala oo laga xishoodaa waa iyadoo amarkiisa la qaato, iyo wuxuu reebay oo laga tago.
  3. Dadka oo laga Xishoodaana waa in la ixtiraamo, ee la darajeeyo, iyo in laga fogaado wixii dhaqan ahaan xumaynaya.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 14) (24). صحيح مسلم (1/ 63) (36). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 489). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 330). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 427). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 689).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda wanaagsan

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com